Muqdisho: qoysas 30 sano xoog looga haystay Guryahooda oo dib loogu celiyay+Sawiro

Maamulka Gobolka ayaa maanta muwaadiniin Soomaaliyeed dib ugu celiyay dhul si sharxi darro ah looga deganaa muddo 25 sano ah. Dhulkan oo ka kooban 30 boos kuna yaala xaafadda Buulo Xuubeey ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, isla markaana si sharci darro ah muddo 25 sano ah looga deganaa Muwaadin Soomaaliyeed ayaa maanta waxaa dhulkaasi dib loogu celiyay dadkii iska lahaa, taasi oo ay ku guulesyteen maamulka Gobolka Banaadir. Qaarka mid ah muwaadiniintii dib u helay hantidooda ma guurtada ah oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa uga mahadeliyay dowladda, gaar ahaan Maamulka Gobolka Banaadir oo gacan ka geystay sidii ay dib u heli lahaayeen dhulkooda. Guddoomiyaha Degmada Wadajir Axmed Cabdulle Afrax oo isna goobta hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in milkiilayaasha dhulka ay u soo gudbiyeen xafiiskiisa cabasho ka dhan ah dhul laga heystay, sidaasina uu ugu dambeyay Madaxda isaga ka sareysa. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” oo muwaadiniintaasi si rasmi ah ugu wareejiyay dhulka ayaa sheegay in maamulka Gobolka uusan ogolaan doonin heysashada dhul aan sharci loo heysanin, isagoo xusay in ay tixgelinayaan ciddii dhul sharci u haysata oo xoog looga deganyahay in uga qaadayaan. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa maalintii uu xilka guddoomiyenimo la wareegayay balan qaaday in maamulkiisa uu ka shaqeyn doono in hantida lakala haysto dib la isugu celiyo, waxaana maamulka gobolka uu horey sidaan oo kale ugu guuleystay in uu dib ugu celiyo muwaadiniin dhulkooda laga haystay.

Maamulka Gobolka ayaa maanta muwaadiniin Soomaaliyeed dib ugu celiyay dhul si sharxi darro ah looga deganaa muddo 25 sano ah.

Dhulkan oo ka kooban 30 boos kuna yaala xaafadda Buulo Xuubeey ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, isla markaana si sharci darro ah muddo 25 sano ah looga deganaa Muwaadin Soomaaliyeed ayaa maanta waxaa dhulkaasi dib loogu celiyay dadkii iska lahaa, taasi oo ay ku guulesyteen maamulka Gobolka Banaadir.

Qaarka mid ah muwaadiniintii dib u helay hantidooda ma guurtada ah oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa uga mahadeliyay dowladda, gaar ahaan Maamulka Gobolka Banaadir oo gacan ka geystay sidii ay dib u heli lahaayeen dhulkooda.

Guddoomiyaha Degmada Wadajir Axmed Cabdulle Afrax oo isna goobta hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in milkiilayaasha dhulka ay u soo gudbiyeen xafiiskiisa cabasho ka dhan ah dhul laga heystay, sidaasina uu ugu dambeyay Madaxda isaga ka sareysa.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” oo muwaadiniintaasi si rasmi ah ugu wareejiyay dhulka ayaa sheegay in maamulka Gobolka uusan ogolaan doonin heysashada dhul aan sharci loo heysanin, isagoo xusay in ay tixgelinayaan ciddii dhul sharci u haysata oo xoog looga deganyahay in uga qaadayaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa maalintii uu xilka guddoomiyenimo la wareegayay balan qaaday in maamulkiisa uu ka shaqeyn doono in hantida lakala haysto dib la isugu celiyo, waxaana maamulka gobolka uu horey sidaan oo kale ugu guuleystay in uu dib ugu celiyo muwaadiniin dhulkooda laga haystay.

11029647_1564817320423688_1982517910732536764_n 11042679_1564817353757018_8270886263978577746_n 11045330_1564817350423685_8671880234751421104_n 1622048_1564817397090347_900515918835761965_n 10392291_1564817360423684_4995069918974676827_n 10426168_1564817400423680_3078441184019784460_n 11009861_1564817327090354_5509439499500516975_n

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.