Gaas oo maanta ku wajahan Kismaayo

Gaas AbdiwaliWafdi uu hogaaminayo M/weynaha maamulka P/land, C/wali Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta ku wajahan magaalo xeebeedka Kismaayo oo ah xaruunta maamulka KMG ah ee Jubba.

Maamulka Jubba ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe, ayaa lagu soo waramayaa ineey wadaan diyaar garow xoogan, kaasoo ay kusoo dhaweeynayaan wafdiga M/weynaha Puntland.

Madaxweynaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe oo horay u booqday Garowe ayaa la filayaa inuu goor dhow ku soo dhoweeyo wafdiga Madaxweynaha Puntland garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Gawaari lagu xardhay calanka maamulka Puntland ayaa lagu arkayay wadooyinka, waxaana ciidamo kala duwan lagu daadiyay wadooyinka qaar ee Kismaayo, iyadoo qeybo badana uu isu socodku yahay mid xiran oo aanay jirin wax dhaq dhaqaaq ganacsi.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.