Buurdhuubo: Askari dil lagu xukumay

ceel buur

Maxkamad ku taal degmada Buurdhuubo,ayaa dil toogasho ah ku xukuntay Askari katirsan ciidamada DF, kaasoo horay u dilay Gudoomiye ku xigeenkii degmadaas.

Gudoomiye kuxigeenkii degmada Buur-dhuubo Cali Mataan ayaa 31-kii bishii Janaayo ee sanadkan lagu dilay bartamaha degmadaas, markii askar ka tirsan dowladda ay murmeen, kadibna rasaas lagu furay.

Xasan Maxamed oo ah Gudoomiyaha degmada Buur-dhuubo ayaa sheegay in askariga dilka geystay, shalay la soo taagay Maxkamad, kaasoo uu tilmaamay in Maxkamada uu ka hor qirtay dambiga dilka ah, sidaasna ay Maxkamada dilka ugu xukuntay.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in dilka Gudoomiye kuxigeenka horay loogu soo qabtay ilaa shan askari oo dilka looga shakisanaa, hase ahaatee Maxkamada degmada ay haatan xukuntay hal askari kaliya

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.