Warbixin: Musharixiinta ugu cad cad maamulka G.dhexe

Sadexda musharax ee isku garbineysa Madaxtinimada Gobolada Dhexe
Sadexda musharax ee isku garbineysa Madaxtinimada Gobolada Dhexe
Axmed Macin Fiqi, Axmed Cabdisalam iyo C/kariin Xuseen Guleed

Shirka maamul u samaynta Gobolada Dhexe, ayaa hada maraya meeshii ugu xasaasineyd, shirka oo hada ka socda magaalada Dhuusomareeb, ayaa waxaa hada ugu fir fircoon musharixiinta u tartamaya ineey qabtaan Jagada Madaxweynaha ilaa 3 musharax, kuwaasoo mid walbo uu dabada kula jiro urur diimeed.

Shirka maamul u samaynta Gobolada Dhexe, waxa uu abuuray khilaafyo siyaasadeed, sida khilaafka u dhaxeeya DF iyo maamulka Puntland, sidoo kale waxa uu sababay dagaalka maalmihii lasoo dhaafay kusoo noq noqday magaalada Guriceel, sidoo kale waxaa ku kala qeybsamay qaar kamid ah Xilibaanada Baarlamanka DF.

Iyadoo ay jiraan intaas oo mushkilado ah, ayaa M/weyne Xasan Shiikh iyo wafdi uu hogaaminayo dhawaan waxay tageen Dhuusomareeb, isagoona si rasmi ah u furay shirka maamul u samaynta Gobolada Dhexe.

M/weyne Xasan Shiikh iyo kooxdiisa Damu-jadiid, ayaa iyagu ku dadaalaya sidii ay majaraha ugu qaban lahaayeen maamulka Gobolada Dhexe, waxaana M/weynaha intii uu joogay Dhuusomareeb odayadii iyo waxgaradkii uu la shiray ka codsaday, ineey taageeraan musharaxa C/kariin Xuseen Guuleed oo saaxiib dhow la ah M/weynaha.

Ururka Damujadiid oo hada haya talada dalka, ayaa maanka ku haaya hiigsiga 2016, iyadoo xiligaas wixii ka danbeeyay maamulada dalka kajira ay saameyn ku yeelan doonaan talada dalka.

Kooxda Aala-Sheekh:

Musharaxa kooxdan waa Axmed Macalin Fiqi, oo mar soo noqday agaasimaha hay’ada Nabadsugida Qaranka, xiligii doowladii KMG Shiikh Shariif hogaaminayay.

Axmed Macalin Fiqi, waxa uu kamid ahaa musharixiintii ugu horeeysay ee xilkaan isku soo taaga, waxaana uu olole xoogan ka sameeyay dhamaan deegaanada Gobolada Dhexe, isagoona kasbaday in badan oo kamid ah Bulshada G.dhexe.

Axmed Mmacalin Fiqi oo adeegsanaya shaqsiyadiisa iyo dhaqaale xoogan, ayaa u muuqda mid kamid ah musharaxiinta ugu cad cad jagadaan.

Kooxda Ahlusuna:

Musharaxa kooxdan waa Axmed C/salaan, oo hada Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Addis-Ababa.

Axmed C/salaan, oo ah ninka isku xiray Doowlada Ethiopia iyo urur diimeedka Ahlusuna, ayaa isna kamid ah musharixiinta ugu cad cad jagada Madaxweynaha maamulka Gobolada Dhexe, sidoo kale waxa uu haystaa taageerada doowlada Ethiopia oo uu aad ugu xiranyahay.

Sidoo kale Axmed C/salaan, waxa uu haystaa taageerada qaar kamid ah xilibaanada Baarlamanka, kuwaasoo saluugsan siyaasada M/weyne Xasan Shiikh iyo kooxdiisa.

1 COMMENT

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.