Stanbul: Wadahadalada Somalia & Somaliland oo maanta furmaya

Stanbul
Stanbul

Magaalada Stanbul ee dalka Turkiga, waxaa maanta si rasmi ah uga durmaya, wadahadalada u dhaxeeya Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, shirka maanta ayaa noqon doona mid ka duwan shirarkii ay horay labada dhinac u yeelan jireen.

Wufuuda labada dhinac ayaa hadda ku sugan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Somaliland ayaa sheegtay in aanay aqbali doonin in dad u dhashay deegaannada Somaliland ay wadahadalada u matalaan dhinaca dowladda Federaalka ah.

Wasiirka arimaha dibada maamulka Somaliland, Maxamed Biixi Yunis, ayaa BBC-da u sheegay, in wadahadalada maanta xooga lagu saari doono ka doodida qadiyada Somaliland.

Halkaan ka dhagayso wareysiga Maxamed Biixi Yunis oo buuxa:

 

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.