Musharaxii Xisbiga Shaqaalaha Ingiriiska Amina Cali oo Isaga Baxday Loolanka Doorashada

Amina Ali is a councillor in Tower Hamlets, east London
Amina Ali is a councillor in Tower Hamlets, east London

Gabadha lagu magacaabo Amina Cali oo ka tirsan xisbiga Shaqaalaha ingiriiska(Labour Party) ayaa isaga baxday loolanka loogu jiray kursiga Bradford West ee doorashada guud.

Amina Cali ayaa ku sababeeysay ka bixistii loolanka doorashada kursiga xaafadda Bradford West arrimo qoys oo aysan faah faahinin.

Gabadhaan Aamina Cali oo reer London ah ayaa sabtidii loo magacaabay inay noqoto musharaxa xisbiga Labour Part ee kursiga Bradford West waxaana Labour Party uu ka doortay haween badan oo uu ka door biday Aamina Cali.

Kursiga Bradford West ayaa sanadkii 2012 looga adkaaday xisbiga Labour Party waxaana hadda kursigaas ku fadhiyo George Galloway oo ka socda xisbiga Respect Party oo ah xisbi bidix dhexe kaas oo la aas aasay sanadkii 2004.

Xisbiga Labour Party ayaa ka xumaaday ka bixistii musharaxnimo ay diiday gabadha Amina Cali.

Amina Cali waa gabar Somali-British ah waa hooyo leh labo carruur ah waxay sheegtay waqtiga loo doortay in ay u matasho loolanka kursiga Bradford West ay kusoo aaday xilli iyada ku adag oo ay mashquul ku tahay arrimo qoyskeeda ah.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.