Deg Deg: dagaal dib uga qarxay Guriceel

Breaking-News5Dagaal xoogan ayaa goordhow dib uga qarxay degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, halkaasoo maalmihii lasoo dhaafay ay isku horfadhiyeen ciidamada DF iyo kuwa Ahlusuna.

Dagaalka oo iminka xoogiisa uu ka soconaayo Xaafada Jafanjeef, ayaa waxa uu bilaawday markii ay ciidamo katirsan kuwa Ahlusuna weerar ku qaadeen fariisin ay Ciidamada DF halkaasi ku lahaayeen.

Goobjoogayaal ayaa Midnimo.com u xaqiijiyay, in dagaalka uu hada xoog u soconaayo, islamarkaasna labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka cul culus.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idiin soo gudbin doonaa insha alah.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.