Canada oo Xeelad Cusub U Adeegsanayso Dhalinyarada Ku Biiraya Daacish

Daacish Man
Daacish

Siyaasiyiinta dalka Canada ayaa wado qorsheyaal ay isugu xirayaan qeybaha kala duwan bulshada ku nool dalkaas si loo bur buriyo hanaanka ururka Daacish uu dhalinyaro badan kaga qoranayo gudaha dalka Canada.

Dhalinyaro badan oo u dhashay dalka Canada ama heysta sharciga dalkaas ayaa u socdaalay oo ku biiray ururka Daacish si ay ugu dhinac dagaalamaan kooxdaas oo gacanta ku heyso qeybo badan oo ka tirsan dalalka Iraq iyo Syria.

“arrimahaan Waa xaalad masiibo ah waana in laga wada shaqeeyo sidii loo joojin lahaa in dhalinyarada ay ku biiraan ururka argagixisada Daacish ayuu yiri Masuul sare oo ka tirsan dowladda Canada oo lagu magacaabo Philippe Couillard.

Canada ayaa wado inay meel mariso sharci cusub oo awood dheeraad ah siinaya ciidamada sirdoonka dalkaas si ay ula dagaalaman oo ay dhabarka ugu jabiyaan argagixisada islamarkaasna ay ka hor tagaan in dhalinyaro reer Canada ah ay u safraan kooxda qilaafada islaamiga ah ee DAACISH.

“Dhamaan waxaa waajib uu naga saaran yahay inaan ka hor tagto dhalinyarada inay ka tagaaan dalkaan waana waajib saaran qof kasta oo reer Canada ah ayuu yiri Steven Blaney oo ah wasiir ka tirsan dowladda dalka Canada.

Ilaa lix dhalinyaro ah oo labo kamid ah ay gabdho ahaayeen ayaa dhawaan u safray dalka Turkiga iyagoo kaga sii gudbay dalka Syria kuna biiray qilaafada islaamiga ee DAACISH.

Ugu dambeyn dowladda dalka Canada ayaa ku wargalisay qoysaska ama waalidiinta reer Canada inay ka war hayaan dhaq dhaqaaqa carruurtooda oo ay ka hor tagaan in dhalinyaradaas ay fikrad qaldan ka dhaadhiciyaan kooxda Daacish islamarkaasna dowladda ay weydiin doonto waalidiinta waajibaadka ka saaran carruurtooda hadii ay ku biiraan Daacish.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.