Dhageyso: Burcad dhac Ugeystay Ganacsato kusugan Xaafada Islii Nairobi

Koox Burcad ah ayaa waxa la sheegay inay Habeenimadii xalay saqdii dhexe waxay dhac ugeysteen goobo ganacsi oo ku yaalla Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi.

Meelaha Ganacsi ee la dhacay waxa iska lahaa ganacsato Soomaaliyeed iyagoo burcadu ay qaateen dahab badan iyo lacago kaash ah.

Wariye kusugan Nairobi ayaa sheegaya in marka la isku geeyo lacag ahaan waxa la qaatay xalay ay gaarayaan $500,000 Dollar (Shan Boqol Kun Dollar).

Waxa dadka qaar ay sheegayaan in Booliska Magaalada Nairobi ciidan katirsan inta ay dharka soo badasheen ay dhacaasi iyagu ka dambeeyeen waxaana jirtay in maalmahan dhaca uu kusii kordhayey Xaafada Islii.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO QAABKII DHACA LOOGA GEYSTAY ISLII

 

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.