Muran ka taagan Somali Joogta Denmark oo loo soo Tarxiilayo Dalka Kenya

somali20122075

Seddexda  Xisbi ee Mucaaradka ee dalka Denmark ee kala ah (Danish People’s Party, Liberal Alliance and Venstre) ayaa soo bandhigay Hindise ku aadan in Qaxootiga Soomaalida ku nool dalkooda Xerooyin looga sameeyo dalka Kenya.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Kenya ayaa sheegtay in ay gaashaanka udarooreen maanta oo Axad ah codsi kaga yimid dowlada Denmark,isagoona waziirka uu sheegay incodsigaas uu yahay mid aan sax aheen  Kenya ay aad ugu carootay.

Dhanka kale Mr Mwenda Njoka, oo ah afhayeenka wasaaradda arimaha gudaha dalka Kenya ayaa yiri “waa maxay sawabta ay qaxootiga somalida ay dalkooda uga soo kaxeynayaan,ma aham mid sax ah mana ogolaaneeno cidsiga noocaasi ah ayuu ku afmeeray hadalkiisa.

Waddan kasta oo aduunka waxaa waajib ku ah in ay u oggolaadaan dadka qaxootiga ah ee dalkooda galaya, ” Kenya waxaa ay martigalisay  600,000 oo qaxooti Soomaaliya halka dalka Denmarka ay qaxoti ku yiyiin 16,000 oo kaliya  marka ma ogolaan doono in qaxootigaas somalida ah eek u nool Denmarka dalkeeda lagu soo celiyo ayuu kusoo afmeeray hadalkiisa wasaaradda arimaha gudaha dalka Kenya.

Xisbiga talada dalkaasi hayo ee The Social Democratic Party ayaa waxa uu ka soo hor-jeestay warka ay soo saareen Xisbiyadda Mucaaradka ee ah in Soomaalida Qaxootiga ku ah Denmark in Xerooyin looga sameeyay saddex waddan oo Afrikaan ah oo ay Kenya ka mid tahay.

Sanadkii  ee la soo dhaafay, dowladda Denmark ayaa celisay dad magangalyo-doon ah oo Soomaaliyeed kuwaasoo iyadoona shegtay in ay xaaladda ammaanka caasimadda Soomaaliya uu soo hagaagayo, sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay wargeyska  Post Copenhagen.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.