Dhageyso: Hooyooyin Soomaliyeed Uur leh oo Masar ku xiran

xabsi-9898

Muwaadiniin Soomaaliyeed ayaa kuxiran Xabsiyo ku yaalla Dalka Masar kuwaasi oo dhibaatooyin ku heystaan gudaha Xabsiyada ay ku jiraan.

Gudoomiyaha Jaalliyada Soomaalida ee Dalka Masar C/raxmaan Samoow ayaa sheegay inay iyagu ka jaalliyad ahaan dadaaleen laakiin Xukuumada oo looga fadhiyey waxqabad aysan ka helin.

Waxa uu Samoow si gaar ah ku Eedeeyey Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo ka gaabiyey buu yiri inuu soo deynta Muwaadiniintaasi ka qeyb qaato.

Dadka ku xiran Xabsiyada ku yaalla Masar waxa ku jira Hooyooyin Uur leh iyo dhalinyaro Soomaaliyeed oo la qabtay kuwaasi oo dhibaatooyin nololeed ay heystaan.

HALKAAN KA DHAGEYSO WARBIXIN AAN KA DIYAARINAY ARINTAASI

1 COMMENT

  1. shacabka soomaaliyeed waxaa ugu filan bahdil iyo hilmaamid mudadii dowladla,aantu jirtay ineey u dulqaateen waxyaabaha kula dhacay wadamada caalamka iyagoo lahaa maanta hadaan dowlad qabno waxaani naguma dhaceen.
    waxaan halkaan dhambaal uga dirayaa dowlada ineey si degdeg ah wax uga qabato dhalinyaradaas iyo hooyooyinka ku dhibaateeysan wadanka masar. masar waa wadan illaaheey dowlada joogta aanoow gacantooda ku gelin waxaan marar badan telefashino badan ka arkay dad masaari ah oo waalidiin iyo ilmo isugu jira oo ooyin iyo qaracan sheegaayo in wiilashoodi iyo xitaa gabdho iyo culumaa,udiin la xirxiray lagu sameeyay waxaan afka biniaadmiga soomarikarin, waxaa lasheegay indadka lagu tacdiibo si aad u xun oo ayka midtahay in koronto looga dhejiyo meelo aad u khatar ah.

    waxaa dhacday in wiil oow awoowe u yahay madaxweeynihii hore ee wadankeena maxamad siyaad barre lagu xiray wadanka masar isagoo waliba haysta baasaboor yurub ah wiilkaasi waxoow sheegay in loo cadaabay si aad u xun waxoow sheegay in lugahiisa kor lagu soo xiray jirkiisa dhan la laadlaadiyay meelkasta laga cadaabaayay iyagoo leh ictiraafo dambiyo oowsan gelin wiilkaas waxaa u istaagay garsoorayaal u dhashay wadankoow baasaboorkiisa haystay waxoow sheegay in askarta xabsiyada masar jooga ay ku dhaqmaan wax diinta islaamka ka baxsan iyo aqlaaqda bani.aadamka illaaheey waa u gargaaray waana ka soo baxay xabsigi.

    maanta waa waajib wadani ah oo saaran dowlad iyo shacabba in loo istaago dadkaas walaalaheen ah waana in caalamku ogaado in soomaalidu ka baxeen waqtigii duliga aana yeelanay dowlad marka wasiirka arrimaha dibada waa inoow adeegsado xiriirka kala dhaxeeya masar. adduunweynaha waxaad arkeeysaa qofkaliya oo lagu xiray wadankale oo loo diraayo wasiir dhan si uu uga soo daayo marka waa in dowlad iyo shacabba dadaal dheeraad ah la sameeyo
    shacabka waajibka saaran waa ineey dowlada gaarsiiyaan saxaafadu waa ineey meelwalba ku qorto safiirka masar joogo waa inuu geed dheer iyo geed dhaw u fuulo si oow dadkaas masiibadu ku habsatay xoriyadooda u soo celin lahaa.

    waxaa isweeydiin mudan sideey ugu noolyihiin haweenkaas xaamilooyinka ahi xabsiyada niman ragihi markeey ka sheekeeynayaan ooyintu soo dhaafeeyso?
    illaaheey qofkastoo xabsiku jira xoriyadiisa ha usoo celiyo aamiin.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.