Jaamacada Carabta oo ka hadashay Nolosha Somalida joogta Yeman

Qaxootiga Somalida ah yemen

Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Dr. Nabiil Al-carabi,ayaa ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan gar-gaar lala gaaro Qaxootiga somalida ee ku nool dalka yaman kuwaaso nolol adag halkaasi ku heysta,xili uu ka dhex muuqday shar ah hey’adda Isku-xirka arimaha Samafalka Qaramadda Midobe ku qabatay magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Dr. Nabiil Al-carabi, Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta oo kaqeybgalayay shir ay hey’adda Isku-xirka arimaha Samafalka Qaramadda Midobe, soo qaban qaabisay oo ujedkiisa uu ahaa ka hadalka Arrimaha Samafalka ee Qaxootiga Yemen iyo Somalia,ayaa waxaa uusoo hadal qaaday arimaha Qaxootiga somaliya ayaa waxaa uu shegay in Qaxootiga somalida ay wajahayso caqabadaha ugu khatarta badan tan iyo sanadkii 2011.

Xoghayaha ayaa sidoo kale sheegay In Qaramada Midowga Carabta ay sidoo kale ay ka shaqeyn doonaan shirka loo qoondeeyey isku dubaridka dadaalka gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee lagu taageero Qaxootiga Soomaaliya iyo Yemen.

Sidoo kale Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Dr. Nabiil Al-carabi waxa uu raja xumo ka muujiyay 250,000 oo ah Qaxooti somaliyeed oo galay dalka Yaman iyadoo Qalalaaso uu ka ooganyahay Yaman.

Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Dr. Nabiil Al-carabi,ayaa ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan gar-gaar lala gaaro Qaxootiga somalida ee ku nool dalka yaman kuwaaso nolol adag halkaasi ku heysta,xili uu ka dhex muuqday shar ah hey’adda Isku-xirka arimaha Samafalka Qaramadda Midobe ku qabatay magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.