Faduma Dayib oo isu soo taagtay Madaxweyne 2016

Fadumo Dayib
Faduma Dayib

Warbaahinta dalka Finland maanta waxaa ay si gaar ah u hadal hayaan sheekadda ku saabsan haweeney Soomaaliyeed oo ku nool dalka Finland oo doonaysa inay Soomaaliya Madaxweyne ka noqoto  marka la gaaro sanadka 2016.

Fadumo Dayib oo Soomaaliya ka carartay sanadkii 1990 haddana cilmiga siyaasadda ka barata jaamacadda Harvard ayaa ku dhawaaqday inay doonayso inay Soomaaliya M/weyne ka noqoto oo ay isku soo sharaxdo doorashada dalka ka dhacaysa 2016.

Fadumo waxay sheegtay inay doonayso inay noqotay qofkii ugu horeeyay ere dumar ah oo qabta xilka madaxtinimada Soomaaliya waxaana ay intaa ku dartay inay aaminsantahay inay shaqadaas qaban karto, waxaana  ay intaa ku dartay inay isa soo sharixi doonto ayadoo aan soo marin hab beeleed.

“Waxaan doonayaa inaan noqdo Madaxweynaha Soomaaliya waxaana aaminsanahay in markaan ay tahay xilligii dumarka fursad la siin lahaa sababtoo ah dumarka hadda waxay hogaanka u hayaan hawsha guriga, dhaqaalaha wadanka iyo kala agaasinka hawsha guriga marka waaba ay qaban karaan shaqadaan oo kale” ayay tiri Fadumo Dayib oo la hadashay mid ka mid ah wargeysyada ugu afka dheer dalka Finland.

Haddii ay noqoto Madaxweynaha Soomaaliya waxay sii balan qaaday inay wax qabanayso shaqo la’aanta dhalinyarada, xoojinta doorka dumarka , kor u qaadista wax barashada iyo ka hor tagista xad gudubyada loo geysto dadka la takooro.

Sanadka soo socda ayay Fadumo sheegtay inay Soomaaliya soo aadayso si u bilowdo ol olaheeda ay doorashadda u bilowdo.

“Waxaa jira dad Soomaali iyo ajaanib iskugu jira oo ol olahayga qeyb ka ah dhamaantoodna waxay u shaqaynayaan sidii qof dumar ah uu M/weyne Soomaaliya uga mid noqon lahaa” ayay tiri Fadumo Dayib.

Sidoo kale haweeneydaan waxay sheegtay inay jiraan dad badan oo uga digaya inay xilkaan isku soo sharaxdo hase ahaatee waxaa ay intaa ku dartay inay ka go’antahay inay sii wado ololaheeda waxaana ay xustay inay ku rajo weyntahay inay Madaxweyne noqoto ayadoo aan hab beeleed lagu soo dooran.

Sanadka 2016 oo ah waqtiga uu ku egyahay xilliga dawladaan hadda shaqaysa ayaa waxaa la filayaa in dalka ay ka dhacdo  doorasho qof iyo cod ah.

5 COMMENTS

  1. walaal fadumo dayib marka hore waxaa kaa mahad celinaa fikirkaada wanagsan iyo hamikada sare , oo ah in aad is ku soo sharaxdo madaxtinimada dalka somalia , horta ma jirto qof u dhalatay in ey noqoto madaxweyne qofkane waxii u qoran ma gafaayo woo gaaraa .
    waxaa ku dhihi lahaa dadaalkada sii wad waxaa macquul ah in aad gaarto .
    wabilahi tow fiiq ….

  2. faadumo walaal horta wad dadaashaq lkn walaal sow ma ogid in aad dumar tahay,diintane kuma haboona in eey naag madaxweyne noqoto .ee ilaahey hanoo sahlo madaxweyne caadil ah.oo umada hogaansho

  3. anigu waxaan qirsanahay in haweenka soomaaliyeed ay door weyn ka hayaan wadankeena qaasatan wixi ka dambeeyay berisamaadkii
    sababtoo ah waxeey dusha u ridatay hawla badan oo xitaa raga waajib ku ahaa oo ay ugu weeyntahay masaariifta qoyska ha noqoto hooyo iyadu reerka kaligeed biisha amaba mid sowjkeeda kaalmeeyneeysa.illaaheeyna abaalkooda haka dhigo jano aamiin.

    tankale hadaan usoo noqdo is sharixida faadumo maddaxweynanimada waxeey ila tahay ineeysan munaasab aheeyn sababtuna waxeey ila tahay.

    faadumo waa dumar anaguna waxaan nahay beled muslim ah culumada islaamkuna waxeey badankood cadeeyeen in aaneey haweeni madaxweeyne noqonkarin.

    shacabkeena waxaa caado u ah in uu ragxukumo. waana muhiim in aad taqaan caadada dadka aad madaxweeyne u noqoneeyso.

    faadumo waxeey wadanka ka maqneed dhawr iyo labaatansano marka waa arin aad u adag inaad madaxweeyne u noqoto dad xitaa dhaqankooda iloowday sababtoo ah isbedelo badan ayaa dhacay.
    wadankeenu waa wadan colaadi ku raagtay oo ragu ay weli hub gacanta ku hayaan waxaana ila gudboon in ay iswaajahaan madaxweeyne nin ah iyo ragaas hubka sita.

    intaas sababood ee aan sheegay igama ah in aan ku liidaayo haweenka soomaaliyeed xaashaa lilaah anigu waxaan citiqaadsanahay soomaaliyi hadaaneey haweenka soomaaliyeed dhexda u xiran laheeyn dhawr iyo labaatankaa sano in maanta meesha aan joogno meelka xun aan joogi laheeyn, waxaan kaloo leeyahay haweenka soomaaliyeed waxeey gaareen in lagu qiimeeyo ineey yihiin xagga waxtarka reerkooda wadamada carabta wadanka labaad bacda haweenka falastiin.
    haweenka soomaaliyo iyo falastiin waxeey waajaheen colaad daba dheeraatay waxeeyna garabka u riteen sidii ay wadankooda iyo ehelkoodana wax ugu qabanlahaayeen waqti xataa ragga culeeysku ah.

    aniga waxaa ila quman in haweenkeena eey manaasibta kale meesheey rabaan eey ka galaan laakiin eey madaxweeynanimada iska daayaan,
    waxaa kaloo waajib ah in madaxweeynanimadu eeysan noqon mansab loo kala beretamo oo lagu daneeysto laakiin aad looga fekero sifooyinka oow leeyahay maddaxweeynaha soo socdo sababtoo ah waxaan mareeynaa waqti xasaasi ah wadankeenuna u baahan yahay madaxweeyne leh sifooyinkaan.

    1-madaxweeyne illaaheey u dhaw oo yaqaan masuuliyada owqaaday ineey xisaabi ka dambeeyso.

    2- maddaxweeyne wadani ah oo qabiilka dheer.

    3- maddaxweeyne qawi ah sababtoo ah waqtigaan ku jirno waxoow u baahan yahay madaxweeyne qaadankara qaraaraad geesinimo laakiin shardi waxaa ah in aanoow naxariista ka tegen waqtiga ku haboon.

    4-maddaxweeyne aan awaamirtiisa ka qaadan shisheeye ee halheeyskiisu yahay soomaali soomaali baa leh.

    5-maddaxweeyne aan aheeyn kaligii tashade oo qabo mustashaariin wadankooda muqlis u ah.

    intaas waxaan uga baxay sifooyinka madaxweeynaha aan jecelahay inoow wadankeena xikumo.

    waxaan illaaheey ka baryayaa in oow ummadeena gaarsiiyo amni iyo ammaan iyo wadankeeni oo ku camiran shacabkeeni oo isu soo hiloobay dal iyo dibadba aamiin.

  4. Walaal fadumo Dayib Somali nin la dhashay waa nin bump faraqa Ugu jiro bal naga hubso, Hana iloobin sheekadii cigaal shiidaal kursiga Aad doonayso ma aha wakhtigeedii laakiin thanks a lot Waad istaa hishaa ( mantay Arinta somalidu waa adigoo col ku helay tuug ma kuu caawiyey ) wa bilahi w…

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.