SAWIRO : Qurba Joogta & Wasiir Burci oo Kulmay

Waxaa sharaf weyn ii ah in aan idin kala qeybgalo  kulankan khuseeya Qurbojoogta  Soomaaliyeed, waan idin soo dhaweynaynaa, waxaana idin rajeynayaa wadaxaajood lagu lafa guro kaalinta Qurbojoogta Soomaaliyeed ay ku leeyihiin Soomaaliya kaas oo u hogaamin kara natiijoyin wax ku ool ah Dadkeena iyo Dalkeena.

Ilaa 1.5 milyan oo Soomaali ah  ayaa  ku nool guud ahaan qaaradaha aduunka, waxayna u soo xawilaan dhulkooda hooyo lacag  lagu qiyaasay $ 2bn, taasina waxay ka badantahay  gargaarka caalamiga ee ay beesha caalamka siiyo Soomaaliya.  Qurba joogta Soomaaliyeed waxay ka qeyb qaataan  kor u qaadida Waxbarashada, Daryeelka caafimaadka, Kaabayaasha Dadweynaha iyo Ganacsiga gaarka loo leeyahay. Dibudhiska hadda ka socda Soomaaliya waxaa hormuud ka ah Qurbajoogta Soomaaliyeed.

Adduunka waxaa uu muujinaya danaha uu ka leeyahay Soomaaliya kaliya in aysan aheyn muhiimadda (mowqica) istaraatijayadeed ee wadankeena  laakiin sidoo kale, hantida ballaaran ee khayraadka, sida Kheyraadka Badda iyo Kaluumaysiga, Shidaalka iyo Gaaska, Beeraha iyo Xoolaha, iyo sidoo kale Khayraadka dabiiciga ah ee kale.

Soomaaliya waxay leedahay 2 webi iyo 8 milyan oo hektar oo dhul beereed ah. Waxay sidoo kale  leedahay 3,300 km xeeb, waana xeebta ugu dheer Afrika oo hodan ku ah kheyraadka badda. Waxayna hanatay  kayd weyn oo  macdanta uranium ka ah iyo kheyraad kale oo qaali ah.

Qurba joogta Soomaaliyeed waxay  heer sare ka gaareen   sare u qaaidda wajiga cusub ee horumarka. Isabaabulka  waa nooca ugu sarreeya ee lagu gaaro guusha.

Sidaas daraaddeed Qurbojoogta Soomaaliyeed waxay go’aansadeen in ay qaabeeyaan awooddooda sidii ay gacmahooda ku hanan lahaayeen Wadankooda. Masuuliyadda dhisidda Wadanka, Xasilinta iyo Dibudhiskiisuba waa mid annaga si gaar  ah inoo saaran iyo dalkeenaba .

Taasi waa sababta igu kaliftay inaan bogaadiyo hindisaha ay qaateen  100 hoggaamiyeyaal Qurbojoog  Soomaaliyeed kuwaas oo ku kulmay Istanbul 21-22-of June 2014,  iyagoo matalata dhammaan Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool  adduunka daafihiisa,  si ay u mideyaan urur aan laga lahayn dano siyaasadeed looguna magac daray  Ururka Caalamiga QurboJoogta Soomaaliyeed”Global Somali Diaspora Organization “, kaas oo si heegan ugu shaqeeynaya daryeelka dhammaan dadyowga asal ahaan Soomaali ah oo aan lagu kala soocayn, Xukuumad, Gobol, Koox ama midabad Siyaasadeed midna, si ay u habeeyaan una awoodsiiyaan Jaaliyadaha  Soomaaliyeed ee Qurbojoogta ah iyo in ay ku taageeraan codkooda una doodaan  qaddiyadaha jaaliyadaha  Soomaaliyeed ee Qurbajoogta ah iyo dadka ka nool gudaha Dalka hooyo.

Qurba joogta Soomaaliyeed waxay  hore si keli keli ah ugu guuleeysteen in ay salka u dhigaan kana adkaadaan isbedbedelkii waqtiyadii adkaa ee Dalku uu  soo maray iyo dhibaatadii Dowlad la’aanta iyo jawigii masiibooyinka dabiiciga ah.

Waxayna u shaqeeyeen si wadajir ah iyagoona cidna kaashaaneyn iyagoo ay ku jirto ruux wadaniyadeed waxayna gaareen ujeedoyin wanaagsan oo danaha guud lagu gaarayo. Waxaana gaari doona natiijoyin sare annagoo daah fureyna ururkan cusub aasaaska cusub kaas oo salka u dhigaya kor u qaadista Soomaaliyada cusub una horseedeya Horumar, Barwaaqo iyo Mustaqbal wanaagsan . wuxuu noqonayaa Ururkan  Tareenkii lagu gaar lahaa Horumar, Dibudhis iyo Dowlad Soomaaliyeed oo shaqeysa oo aan ku faani karo.

Qurbjoogta  Soomaaliyeed waxay soo kordhin karaan  ama  ay ka qeybqaadan waxyaabahan soo socda :

1)   Arrimaha Ammaanka ama Nabadgelyada :

2)   Arrimaha  Federaalka ;

1-    Arrimaha Nabadgelyada

Tan iyo markii ay Colaadda ka  dillaacday Soomaaliya  waxay ay ka dhigtay wadanka mid aad u adag in uu la jaan qaado kobaca dhaqaale iyo horumarka ka jira wadamada kale ee Afrika , tusaale ahaan. Ka qeybgal la’aanta beesha caalamka  ee horumarka Soomaaliya waxaa lagu tiriyaa in ay qeyb ka tahay Nabadgelyo-xumada ka jirta Soomaaliya. Waxa ay sidoo kale noqotay caqabadaha ugu weyn ee  hortaagan xaqiijinta ujeedooyinka horumarineed ee caalamiga ah  “Millennium Development Goals” (MDGs) .

Si la mid ah Dowladaha dakhligoodu uu hooseeyo iyo Dowladaha taagta yar , iyo kuwo Afrikaanka ah ee ay saameeyaan  colaadaha , Soomaaliya ma aysan  awoodin in ay xaqiijiso Ujeedooyinka Hormarineed ee Caalamiga ah.

Dhalinyarada  ku biireysa xagjirnimada waxa ay oga sii dartay amnidarrada ka jirta Soomaaliya. sidaas darteed, Soomaalida ku nool qurbaha waa in ay ka qayb qaataan fahamka  xal u helidda ku saleysan  xaaladaha  Siyaasadeed iyo Dhaqaale bulshadeed .Xal military kaliya ma ahan  mid xaqiijin kara  istiraatiijiyad dhinaca ammaanka Qaranka Soomaaliya.

Qurbojoogta Soomaaliyeed waa in ay raadiyaan hindiseyaal looga hortagayo marxaladaha kala duwan ee ay leedahay  xagjiriinnimad  oo ay ku jiraan horumarka joogtada ah, Maalgashiga loo sameeyo bulshada la liiday, si firfircooni ah in looga qeybgeliyo dhalinyarada barnaamijyada nabad-dhisidda, awood siinta dumarka si loo xoojiyo nabadda iyo ammaanka, iyo in dhaqan celin loo sameeyo xagjiriinto hore u dagaalamay.

Qurbojoogta Soomaaliyeed waa in ay ahmiyad weyn siiyaan ammaanka aadanaha. manhajka ammaanka aadanaha wuxuu  aqoonsanayaa baahida loo qabo in la falanqeeyo  sababaha iyo qaababka xagjiriinimada  sida xaaladda bulsho, dhaqaale, siyaasad ka fogeynta,  Dulmiga,  kala sooca , iyo sinnaan la’aanta ka jirta bulshada dhaxdeeda .

Qurbo joogta Soomaaliyeed waa inay ka dhaadhiciyaan bulshada caalamka in  Ajandaha Horumarka 2015 wixii ka danbeeya lagu saleyo mabaadi’da Ammaanka Aadanaha iyo la dagaalanka in la noqdo xagjir iyo meelaha ay ka jirto xasaaradaha colaadaha. Ammaanka aadanaha  waxa uu ka gudbayaa ceebaha Ammaanka caadiga ah ee  hore loo aqoon jiray  waxayna mideyneysaa ammaanka la xariira horumarka iyo ladagaalanka qataraha ka imaanaya sida cudurada, saboolnimada, gaajo, shaqo la’aanta dhalinyarada, iyo Nabaad guurka.

Qurbo Joogta Soomaaliyeed  waa inay u istaagaan awood siinta dhalinyarada iyo haweenka Soomaaliyeed. Xagjirnimada waa la  bedeli karaa haddii aan maalgashano dhalinyarada oo ah dadka ugu tira badan Soomaaliya.

Haddii ay taasi  dhacdo dhalinyarada Soomaaliyeed waxaa ay heleyaan  waxbarasho tayo leh, iyo xirfadaha loo baahan yahay si ay u helaan mushaar fiican, iyo fursado lagu dhiirrigelinayo in wada hadalka bulshada, taasoo hoos u dhigi doonta jiidashada  dhalinyarada ee  kooxaha hubeysan iyo falal dembiyeedyada.

Qurbajoogta Soomaaliyeed  waa in ay  caawiyaan  si loo ogaado  waxyaabaha ugu fiican ee la saadaaliyo iyo in la yareeyo waxyaabaha u jiidaya dhalinyarada dhinaca rabshadaha ee dowladaha jilicsan. Waxa kale oo ay tahay in la eego arrimaha nafsaaniga ah, kuwaas oo gacan ka gaysan kara rabshadaha dhalinyarada.

Tusaale ahaan, bulshada dhalinyarada-gaar ahaan dhalinyarada raga ah –waxeey u  dagaalamaan si ixtiraam dadka kale u helaan.

Marka  la eego awoodsiinta haweenka ee arrimaha la xiriira ammaanka, waxaa muhiim ah in qurbo joogta Soomaaliyeed ka caawiyaan haweenka xakamaynta xagjirayaasha. Haweenku waa la dhayalsaday kaalintooda ululayaasha looga hortagaayo xagjirnimada.

26 31 42 52 119

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.