Safiirka Somaliya ee Rwanda oo la Casheeyey Kooxda Banaadir (SAWIRO)

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya magaalada Kigali ee dalka Rwanda, Cabdullaahi Sheekh Maxamed ayaa casho sharaf ugu sameeyay magaalada Kigali kooxda kubadda cagta Banaadir Sports Club oo ka qeyb-galeysa tartanka kooxaha bariga iyo bartamaha Africa ee ka socda dalka Rwanda.

Safriirka ayaa ku dhiiri geliyay ciyaartoyda dadaalka ay wadaan, isagoo ugu hambalyeeyay ka qeyg-galka tartanka maadaama ay yihiin kooxda heysata horyaalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha kooxda Banaadir SC Abuukar Maxamed Sheekh oo hoggaaminaaya kooxda ku sugan Rwanda, ayaa uga mahad celiyay safiirka iyo shaqaalaha safaaradda soo dhaweynta ay u sameeyeen iyo dhiiri-gelinta oo uu ku tilmaamay in ay siisay ciyaartoyda niyad wanaagsan.

Qaar  ka tirsan jaaliyadda Soomaalida ee ku nool dalka Rwanda, aqoonyahanno iyo mas’uuliyiinta safaaradda ayaa ka qeyb-galay cashada soo dhaweynta ah ee loo sameeyay maamulka iyo ciyaartoyda kooxda Banaadir SC.

Kooxda Banaadir SC ayaa guul-darreysatay laba kulan oo ay ka ciyaartay guruubka C oo ay kaga jirto tartanka kooxaha bariga iyo bartamaha Africa oo ay ka qeyb-galayaan 14 koox, waxeyna kulanka ugu dambeeyo la ciyaari doontaa kooxda marti-geliyeyaasha ah ee Police maanta oo Khamiis ah.

Banaadir-SC01 Banaadir-SC02 Banaadir-SC03 Banaadir-SC05 Banaadir-SC06 Banaadir-SC07 Banaadir-SC08 Banaadir-SC09 Banaadir-SC10 Banaadir-SC11 Banaadir-SC041

Xigasho-Warbaahinat Qaranka Somaliya

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.