Raxan Dhurwaa oo carruur ku dishay Jubbada Hoose

dhurwaa

Wararka naga soo gaaraya gobalka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in halkaas dhurwaa raxan raxan isula socda, in ay fara kulul ku hayaan dadka ku dhaqan deegaanka Kulbiyow ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana ay ku cunayn ilaa seddex carruur ah

Roobab xoogan oo dabeylo wata oo ka da’ay deegaanka Kulbiyow, ayaa waxay sababeen in inta badan ay dadku ku guryo beelaan, taasoo keentay in ay hooy la’aan noqdaan, dhurwaaguna ay u nuglaadaan.

Faarax Haybe Xaaji, Gudoomiyaha Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose, ayaa wuxuu xaqiijiyay in shalay seddex wiil uu dhurwaa ku cunay deegaanka Kulbiyow.

Gudoomiyaha, ayaa intaa ku daray in ay adag la soo deristay rayidka ku dhaqan Deegaanka Kulbiyow, xilli uu sheegay inaanay heysan goobo gabaad ah, oo ay ka galaan dhurwaayada soo weerareysa.

Sanadkii 2012-kii, ayay ahayd markii dhurwaaga laga waayay Gobolka Jubbada Hoose, ka gadaal markii Shabaabkii ka arriminaayay Kismaayo, ay sheegeen in ay banaan tahay cunista hilibka ee xayawaanka dhurwaaga.

Gobalada Jubboyinka oo hodan ku ahaa duurjoogta iyo dhirta ayaa haatan noqday meel dhan kasta ka nabaad guurtay , iyadoo duur joogti Jubboyinkana uu haatan ka soo haray Dhurwaaga.

Dhurwaaga waa xayawaanka haatan sida aadka ah ugu badan guud ahaan dalka Soomaaliya , waxuuna ku mamay cunista hilbaha dadka oo meel kasta iska waran maadaama dalka S0omaaliya uu noqday goob dagaal oo meydadka dadka ay iska daadsan yihiin Gobaha lagu dagaalamo.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.