Xasan Daahir Aweys:“Godane kama yeeleyno ficilada uu ku dhaqmayo Daawo

Xasan Daahir Aweys, oo kamid ah hogaamiyaasha Ururka labahoobay Al-qacida ee Al-shabaab, ayaa eedeyn weyn dusha uga tuuray hogaamiyaha Al-shabaab Axmed Cabdi Godane, waxaana uu ku tilmaamay in uu la wareegay taladii Al-shabab uuna dhaqmayo qaab tigtaatooriyad ah, go’aanadii ururka Al-shabaabna uu sidoo doono ka yeelayo.

Xasan Daahir, ayaa tilmaamay in marnaba aysan raali ka noqon doonin isaga iyo inta ku mowqifka ah.

“Waxaan rabnaa inaan maamulka ka ceshano, waxaan ummada u sheegeeynaa inaan ku waafaqsaneen waxyaabaha uu ku dhaqmayo” ayuu yiri Xasan Daahir Aweys.

Xasan Daahir Aweys, oow areysi uu dhinacyo badan uga hadlayay siiyay TV-ga Somali Cahannel, ayaa waxaa wax laga weydiiyay waxa kajira wararka sheegaya in la dilay Abuu Mansuur Al-amriiki, oo kamid ahaa ajaanibta ka bar bar dagaalanta Al-shabaab.

“Waxaan ka xunahay dhibaatada loo geystay walaalkeen, ma dhiman hada waa noolyahay, laakiin waxaan dareemeeynaa weli in lagu raad joogo, waxaan ka qeeylineeyno ayayna kamid tahay” ayuu yiri Xasan Daahir Aweys oo ka hadlayay xaalada Abuu Mansuur Alamriiki.

Dadka shacabka ah ee layska dilo:

Mr Aweys, ayaa waxa uu soo hadal qaaday dadka shacabka ah ee layska dilayo, waxaana wax aad looga xumaado uu ku tilmaamay in si macno darro ah laysaga dilo dadka, waxaana uu sheegay in masuuliyada ugu horeyso uu qaadanayo hogaamiyaha ugu sareeya Al-shabaab Axmed Godane.

Xasan Daahir, waxa uu sheegay in waxyaabaha ugu horeeya ee ay isaga horyimaadeen hogaanka shabaab Godane, ay kamid yihiin dilalka micno darada ah ee lasyka dilo dadka shacabka ah.

“Waxyaabaha aad iyo aad diinta islamka uga digtay waxaa kamid ah in layska dilo qof muslim ah si aan xaq ahayn, marka dhiig badan oo aan xaq ahayn in la daadiyaa dareemeeynaa waxaasna waxaa keenaayo qaabka uu u dhisanyahay maamulka, marka taas waaye waxaan ka qeeylineyno” ayuu yiri Xasan Daahir Aweys.

Hadalka Xasan Daahir Aweys, ayaa imaanaya kadib warar maalmahaan soo baxayay oo ku aadan inuu jiro qilaaf xoogan oo u dhaxeeya madaxda ugu Sareysa Al-shabaab, taasoo keentay in Axmed Cabdi Godane, uu u gaarsado shaqsiyaadka isaga kasoo horjeeda sida Abuu Mansuur Al-amriiki, Jaamac miicaad Afgaan, Xasan Dahir Aweys iyo Fu’aan Shongole.

Xafiiska Wararka Midnimo, [email protected]

[email protected]

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.