Suuqyada Muqdisho iyo kala iibsiga Malaayga “Daawo Sawiro”

Kawaanka Xamar weyne oo ah kan ugu weyn ee lagu iibiyo Kalluunka ayaa noqday midka ugu mashquul badan, maadaama lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan oo dadka si saa’id ah u cuna Malaayga.

Nuucyada dadka ugu jecel yihiin Malaayga oo kala ah, Yuumbi, Jeedal, Daambiri, Seyban iyo Qajaar ayaa qiimaha lagu iibsado sare ugu kacay halkii uu horay lagu iibsan jiray, waxaana xiligan lagu kala iibsadaa Halkii Kiilo ee Malayga Yuumbi Cade loo yaqaano 150-kun Shiling Soomaali, halka Malaayga Jeedalka Kiiladii la iibinayo 120-kun Shiling Soomaali, nooca Daambiriga ayaa isna la iibinayaa 100-kun shiling Soomaali ah.

Kalluumeysatada ayaa sheegay in xiligani qiimaha Kalluunka uu sare u kacay, taasoo u sabab ah xiliga bad xerinka oo la guda galay.

HALKAN KA DAAWO SAWIRADA

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.