26 muhaajiriin Soomaali ah oo lagu gubay xadka Sudan iyo Libya

26 ruux oo muhaajiriin Soomaali ah ayaa lagu gubay xadka u dhaxeeya Sudan iyo Libya.

Muhaajiriintan oo isugu jirtay rag, haween iyo caruur ayaa dhamaantood saarnaa hal baabuur kaasi oo doonayey in si dhuumaaleysi ah uu ku galo xadka dalka Libya.

Sida ay wararku sheegayaan gaariga oo ka lumay laba baabuur oo ay iyana la socdeen muhaajiriin Soomaali ah oo ka yimid magaalada Khartoum ee dalka Sudan, ayaa waxaa gubay maleeshiyo Libiyan ah oo ilaaliya xadka Sudan iyo Libya.

Kooxaha gubay ayaa la sheegayaa in ay aad u necebyihiin dadka soo galowga African-ka ah, iyada oo rumeysan in ay taageerayaal u yihiin hogaamiyihi hore ee Liba Coll. Gaddafi.

Dadka Soomaalida ah ayaa si indha la,aan ah u maro meelaha qatarta ah sida saxaraha Libya iyo Sudan, iyaga oo doonaya in si sharci daro ah ay ku galaan Libya kadibna si sharci daro ah uga sii gudbaan Talyaaniga oo ay u maraan doonyo macmal ah oo qatar ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, [email protected]
[email protected]

1 COMMENT

Comments are closed.