Abwaan Xasan Jaceyl Nairobi ku geeriyooday

ALLA ha u naxariistee waxaa goor dhaweyd ku geeriyooday magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, Abwaan Xasan Maxamed Maxmuud (Xasan Jaceyl).

Abwaanka oo bilooyinki ugu danbeeyey u jiifay xanuunka Kaadi Sokorowga ayaa ku qurbaxay isbitaalka magaalada Nairobi kadib maalmo uu koomo ku jiray.

Bishi lasoo dhaafay wariyaal Soomaali ah oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa gaar siiyey kaalmo lacageed iyaga oo ku booqday isbitaalka uu ku jiray.

Abwaanka oo sumcad ku lahaa dalka Soomaaliya ayaa horay loogaga gooyey lugta isaga oo qabay xanuunka Sokorta, sidoo kale waxa uu ka dhaawacnaa lugta kale.

Xasan Jaceyl ayaa door ku lahaa fanka Soomaaliya isaga oo alifay heeso badan oo aad loogaga dhageysto Soomaaliya, waxaa ka mid ah heesta ‘Abaaldaran’ ee uu ku luqeeyo Cabdi Tahliil Warsame, iyo heeso kale oo ay qaadaan fanaaniin caan ah sida C/qadir Jubba.

Abwaan Xasan Jaceyl ayaa lagu wadaa in galabta lagu aaso qabuuraha Muslimiinta ee magaalada Nairobi, iyadoo aaskiisana ay ka qeybgali doonaan saxafiyiin iyo fananiin Soomaaliyeed.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, [email protected]
[email protected]