Xaflad sagootin ah loo sameeyay Ambassadoor Ameeriko (Sawirro).

Waxaa xalay lagu qabtay magaalada Soest ee wadanka Holland xaflad lagu sagootinayey safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya wadanka Kenya Max’ed Cali Nuur (Ameeriko) oo socdaal 3 cisho qaatay ku soo gaaray wadanka Holland, kadib casuumaad uu ka helay Jaaliyaddaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Holland.

Xafladdan oo ay soo qabanqaabisay Marwo Faadumo Caraaye oo ka mid ah Jaaliyadda Soest waxaa heeso waddani ah oo dadkii ka soo qeybgalay ay madaxa u wada ruxeen ka qaaday fanaaniin uu ka mid ahaa Cabdi Baadil, waxaana heesihii munaasabadda dadka lagu madadaalinayey ka mid ahaa;

  • ALLAA weyn
  • Heybad waxaad ku leedahay dhulkaaga hooyo
  • Arligeygoow
  • Jecliyaa dhulka hooyo
  • Qolaba calankeedu
  • Hooyadii hagaagsanee ubadka way hanuunisaa

Wariye C/llaahi Taajiroow ayaa barnaamijkan qiimaha badan xiriirinayey, waxaana safiirka markii uu gudaha u soo galay hoolkii munaasabaddu ka dhaceysay lagu soo dhoweeyey shirib uu marinayey Laashin C/llaahi Caddow (Indhabuur), waxaana erayada shiribkaasi ka mid ahaa {Hargeysa & H/wadaag ha hurdin iyagoon heshiin}.

Khudbadihii halkaasi laga jeediyey ayaa u dhacay sidatan:

C/lla Cali Cilmi (Jaaliyadda Soest)

“Soo dhoweyntan loo sameeyey Max’ed Cali (Ameriko) waxey muujineysaa halka uu ka taagan yahay shucuubta Soomaalida, maadaama uu yahay madaale mar walba u taagan taageeridda danyarta & dadka masaakiinta ah waxeyna derajadaasi gaarsiisay in dad badan ay xushmad u hayaan, waxaan leeyahay qof kasta oo bulshadda wax u qabta taariikhdu way xuseysaa”

“Wax badan baan waxaan waraabinta ka aragtay shaqooyinka aad ummadda Soomaaliyeed u qabatay, waxaan ku leenahay dedaalkaaga halkiisa ka sii wad”

 Eng. Guuleed Axmed 

Waxaan balanqaadayaa anigoo howshaasi ku sharfaya safiirka inaan dhisno aniga & koox injineero ah dhismayaal aan ugu talogalnay ilmaha agoonta ah oo qarashka ku baxaya dhismahaasi uu ka badan yahay 3 milyan dollar waxaana qarashkaas ugu deeqnay inaan u huro ilmaha agoonta ah & dadka da’da ah”

“Waxaan aqaanaa agoonimo waxa ay tahay, anigaa agoonimo ku soo koray, halkan uu safiirku mar walba booqdo (xerooyinka qaxootiga ee ay ku jiraan Soomaalida ee Dhadhaab & Kaakumo) waxaan soo maray 20 sano ka hor, haddii xilligaasi uu joogi lahaa safiir Ameeriko aad ayaan u nasiib badnaan lahaa, waayo waxaa aad ii cajabiyey sida xushmada leh ee uu u dhageysanayo caruurta yaryar ee xerooyinkaas ku jiro, runtii ma jiro shaqsi xil ka soo qabtay Soomaaliya oo sida Ameriko inta u jilba jabsaday caruur yar oo diif ay ka muuqato, haddana dhageystay taasi waxey marqaati ka tahay in mustawaha uu qofkaasi joogo ay tahay mid sla weyni ka maran waana dhaqanka qofka waddaniga ah”

“Caruurta gaar ahaan agoonta aniga xagooda la igama maro, qof kasta oo wax u qabanayana waxaan ku garab siinayaa bilaa shuruud, ma jirto shaqada uu hayo Cali Ameeriko cid qaban karta”

“Caddaan waan la soo shaqeeyey, Soomaali waa la shaqeeyey, 2006-dii ayaan iri waxaa imaan doono diimo kala duwan, maamul goboleedyo sidii aan saadiyey ayey noqotay waayo waxaa ii muuqanayey saansaanta jidkii aan ku hoognay, aan ku dedaalno annagana haddii aan Soomaali nahay inaan doorano hal xisbi oo waddanka inoo xorreeya si la mid ah sidii SYL”

Shamso Xassan Siciid (Sharciyaqaan & Qunsulkii hore ee Biljamka)

“Wadankaan Holland waa wadanka keliya ee Soomaalida joogta ay ku mideysan yihiin Soomaalinimo jaceyl & waddaniyad, waxaad dareemeysaa howsha uu qabanayo Max’ed ma ahan howl loogu talogalay inuu qabto safiir, inuu xerooyinka Kenya tago oo dad dhibaateysan oo Soomaaliyeed ku booqdo xerooyinka, garoomada & isbitaalada waxey ku tusineysaa inuu yahay bini’aadam wanaagsan {Good human being), derajada uu mudan yahayna waa ka weyn tahay safiir”

 Dadka Somaliland waxay soo boqdeen iyagoo dab ku sida gacmaha, iyagoo u gurmanaya walaalahooda Soomaaliyeed., waxaa i taabtay safaaradeenii oo keentay, taasoo taariikhda kuu gashay.

Cali Max’ed Xalane (Cali Xarash) (Jaaliyadda Utrecht)

Ha u jixin jixin hadalada cantarbaqashka ah ee suuqa ku jira, waxaanu leenahay haddaan nahay reer Holland waan taageereynaa Max’ed Cali, annagoo u sheegeyna dowladda Soomaaliyeed ha ahaado Madaxweynaha, R/wasaaraha in Ameriko halka uu joogo meel ka koreysa mooyiye aan meel kale lala haweysan”

C/llaahi Caddow (Indhabuur)

Soomaali waxaa dumiyey qabyaalad, waxaan ILLAAHEY uga baryayaa in ummadda Soomaaliyeed qalbigeeda isu soo dumo, waxaa nasiib darro in madaxda dowladda ay doonayaan in ay qalqal geliyaan qofkii loo arko inuu ummadda u shaqeynayo. gabar haddii gabar lala guursado waa maseyrtaa horta siyaasiyiintu damiir ay ku maseyraan ma leh miyaa marka ay arkaan dhibaatada & dayaca haysta dadkooda & sida ay ummaddaha kale u nool yihiin”

Sacdiyo Max’ed Weheliye (Jaaliyadda Venendaal)

Walaalkeey safiir Max’ed Cali (Ameriko) waxaan leeyahay waxaad gudatay waajibaadkii ay xaqa kuugu lahaayeen hooyooyinkii & aabayaashii aad canshuurtooda wax ku soo baratay”

“Soomaaliya intii ay halaaga & qaska ku jirtay rag badan baa taariikhda galay qof kasta wax gaar ah ayuu taariikhda ku galay, nin dadkiisa madfac la dhaca oo sidaa taariikhda ku gala & mid umadda danyarta ah ah u gargaara, marka Ameriko waxaan leeyahay waxaad tahay danyar daadihiye, ee howsha aad ummadda u haysio halkeeda ka sii wad”

Nabadoon Sheekh Nuur Xassan Farey (Jaaliyadda Leylstad)

“Haddii aan reer Holland nahay waxaad safka hore kaga jirtaa dadka ay Soomaalidu maanta ku faaneyso oo wixii ay qabteen loo arkay si {practically} ah, waxaan ku leeyahay waxaad safka hore kaga jirtaa dadka ay Soomaali badan ku hamineyso ee laga rajo qabo in ay ceelka ka soo bixiyaan qaranimadii Soomaaliyeed ee caalka ku dhacday”

“Haddii aan nahay reer Holland waxaan soo jeedin lahaa inaan barano haddii mas’uul kasta oo dowladda ka socda aan nasiib u yeelanno inuu na soo gaaro inaan la fadhiisano, la xisaabtano, la doodno, kadibna wixii tallooyin ah ee aan hayno aan siino”

Ugaas Xuseen Max’ed Cabdi (Ugaas digriyow)

“Waxaan u mahadcelinayaa Marwo Faadumo Caraaye oo xafladan quruxda badan inoo sameysay, waa shaqsi runtii aad u qalbi fiican, aadna u Soomaali jecel waxaan leeyahay AJIR & XASANAAD ALLAHA kaa siiyo”

“Maanta nabad ayaa inoo soo carfeysa wax yar ayaa inoo dhiman ALLAHA inoo dhammeeyo, dowladda Soomaaliya shaqooyin badan ayey qabatay oo ay dalka ku xasilineyso. Dadka aniga da’deyda ah wadamadan cimilada qabowgaa leh uma adkeysan karaan, dalkeenii oo inoo nabad ahna halkan ma joogee” 

Safiir Max’ed Cali (Ameriko)

Waxaan ugu horreyn u mahadcelinayaa walaasheey Faadumo Caraaye oo fursad ii siisay inaan arko walaalaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Soest iyo magaalooyinka ku dhowdhow, sidoo kalena waxaan salaamayaa dhammaan dadkii ka soo qeybgalay kulankan oo aan dareemayo in maanta oo Axad ah oo ah maalinta keliya ee shaqada laga nasto, ilmahana waqti lala qaato in ay waqti isiiyaan, taas waan kaga mahadcelinayaa

Waxaan aaminsanahay in nabad iyo yididiilo in ay inoo muuqato, iftiin ayaa inoo muuqanaya taas oo keentay in dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay u midoobeen sidii ay uga qeybqaadan lahaayeen nabadeynta wadankooda, wadanka markii ay abaarihii ka dhaceen waxey mideysan Soomaali meel kasta oo ay joogaan, wax badan baa isbedelay, Soomaali inteeda waxgaradka ah waxey is tustay in Soomaali intaas imtixaan ugu filan tahay, loona baahan yahay in meel loogu soo wada jeesto sidii gacan loo siin lahaa qaranka Soomaaliyeed si loo gaaro nabad, barwaaqo & baraare”

“Dedaalkii safaaradda Soomaaliya lagu soo celiyey wuxuu bilowday 2006-dii ciddii dedaalkaasi ka mira dhalisay runtii safaaradda keliya ma aheyn waxey ahaayeen dad badan oo Soomaliyeed oo Kenya degan, mar walba oo arrinta safaaradda soo celinteeda nalagu ammaanana waan sheegnaa oo waxaan niraa gabdho & rag badan baa howsha nala qabtay”

“Safaarad macnaheeduna waa wax aad u qaali ah, qofkii dhismaha safaaradda soo gala waxey ka dhigan tahay adigoo dhul wadankaagii ah jooga”

“Bun ayaa ii soo carfaya, marka hadalka waan joojinayaa”!

Markii uu safiir Ameeriko khudbadda dhammeeyey waxaa la weydiiyey su’aalo fara badan waxaa su’aalihii la weydiiyey ka mid aheyd su’aal uu weydiiyey C/lla oo ka mid ah odayaasha Soest oo yiri “Gurmadkii kaaga yimid Somaliland markii uu dhaawucu ku soo gaaray muxuu kugu dhaliyey.?

Jawaabtii uu bixiyey:

“Somaliland waa dadkeyga, waana kaga mahadcelinayaa walaalnimadii ay ii muujiyeen muddadii aan isbitaalka ku jiray, waxaana anigu safiir u ahay Soomaaliy oo dhan, oo ay Somaliland xittaa ku jirto”

Khudbaddii Gabagabadda:

Marwo Faadumo Caraaye (Marwadii soo qabanqaabisay kulanka)

“Waxaa sharaf weyn u ah Soomaalida ku dhaqan magaalada Soest in ay soo dhoweeyaan walaalkeen safiir Max’ed Cali (Ameriko) oo Soomaali badan ay u aqoonsan yihiin ama ku ixtiraamayaan dedaalka nafti-hurimada ah ee uu ugu samofalay dadkiisa, waxaana leenahay dedaalkaaga ALLAHA kula garab galo”

 C/shakuur Cilmi
Ermelo, Nederland
E-mail: [email protected]