Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya oo la hadlay Soomaalida Holland (SAWIRRO)

Xaflad si weyn loo soo agaasimay, laguna soo dhoweynayay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Ameeriko ayaa lagu qabtay Hotel Green Park ee magaalada Den Haag, waxaana munaasabaddan ay aheyd mid ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee wadanka Nederland.

Xubno isugu jiray qeybaha bulshada ayaa kasoo qeybgalay xafladdan, waxaana khudbado lagu soo dhoweyn ah kasoo jeediyay aqoonyahano Soomaaliyeed oo lagu casuumay xafladda, kuwaasi oo ku dheeraaday iney ka hadlaan waxqabadka Ambassador Maxamed Cali Ameeriko.

Eng. Guuleed Axmed Yuusuf oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Netherland ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay waxqabadka Safaaradda Soomaaliyeed ee Kenya iyo dadaalka ay u gashay sidii nolol wanaagsan u heli lahaayeen dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan xerooyinka qaxootiga Kenya.

Eng. Guuleed ayaa meesha ku soo bandhigay filim ka tarjumaya shaqooyinkii uu qabtay Ambassador Ameeriko kaasoo muujinayay sida Safiirka u garab taagan yahay dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan xerooyinka qaxootiga Kenya.

“Markaan arkay inuu dadkaas dhibaateysan ag joogo, waxaan u gartay wax kasta oo uu i weydiiyo inaan iraahdo OK, xaqa & waxyaabaha uu sameeyey ku garab istaaga, siyaasi ma ahan waa ambassador, safaaradaha ayuu u barya dadkaan si wax loo gaarsiiyo ” ayuu yiri Eng. Guuleed.

“Meel aan aadno ma jirto haddii uu isbitaal ku jiro rag baa igu yiri oo xoog leh, iga aqoon & karti badan, haddii aan ninkaas weyno dhibaato weyn ayaa noo imaaneyso” ayuu hadalkiisa ku sii daray Eng. Guuleed oo haddana yiri “Ninkaan Madaxweynenimo uma socdo 100%, ilaa ilmahaas agoonta ah ay wax barasho helaan, nololna helaan, mana jirto qof sidaas wax u qabtay”.

Axmed Warsame oo ka tirsan mas’uuliyiinta Safaaradda Biljamka ee Soomaaliya ayaa isna goobta ka hadlay wuxuuna ka hadlay waxqabadka Safaaradda Soomaaliyeed ee Kenya, isagoo sheegay in wax muuqda ay shacabka Soomaaliyeed u qabatay Safaaradda Kenya tan iyo markii la magacaabay Danjire Ameeriko, sidoo kale xubnihii ka hadlay meesha waxaa ka mid ah Salaado Cali Maalin oo ku hadleysay magaca Haweenka Soomaaliyeed ee Holland ku nool.

Maxamed Roberto oo ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee mudada ku nool dalka Talyaaniga kana howlgala Tv-ga dalkaasi ee Rai ayaa u mahad celiyay Safiirka, wuxuuna ku booriyay in uu howsha uu u haayo shacabka Soomaaliyeed sii labo jibaaro.

Dahir Cabdulle Calasow oo ka mid ahaa Wariyeyaashii kasoo qeybgalay kulankani ayaa dhankiisa sheegay in aaney ahayn wax hal maalin looga sheekeyn karo waxqabadka Safiir Ameeriko, cid kastana waxa ay shacabkeedka tarto taariikhda ayaa xusi doonto ayuuna yiri.

Ambassador Maxamed Cali Ameeriko oo munaasabadda ka hadlay ayaa u mahad celiyay guud ahaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee juhdiga geliyay casuumadda iyo soo dhoweynta ay u sameeyeen, wuxuuna ugu warbixiyay howlaha Safaaradda Soomaaliya ay u qabato guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

“Wixii aan qabtay waajibkeyga uun bey aheyd, waana tan leygu soo magacaabay inaan wax taro shacabkeyga” ayuu yiri Ambassadorka oo ka hadlay arrimaha siyaasadda iyo horumarka ay Dowladda KMG ku tallaabsatay, taasoo uu sabab ugu dhigay shirarka dib u heshiisiinta ee ka dhacay gudaha dalka.

“Shirarkii wadanka gudihiisa ka dhacay wax weyn bay bedeleen, mar kastana waxaan kaga doodi jiray meel walba in shirarka dib u heshiisiinta wadanka gudihiisa lagu qabto, “haddii Xamar aanu ammaan jirin magaalooyin ammaan ah ayaa jira sida Gaalkacyo, Garoowe xittaa Hargeysa” ayuu yiri Danjire Maxamed Cali Ameeriko.

Mar uu ka hadlayay arrimaha qaxootiga Soomaalida ee Kenya u nool ayuu sheegay in xerada adduunka ugu weyn ee Dhadhaab ay ku jiraan 550 kun, kuwaasi oo 95%  Soomaali ah, wuxuuna ugu mahad celiyay Dowladda Kenya in wadankeeda ay ku noolaadaan si nabad ah.

“2 sano ka hor raashinkii markii aan qeybinay ayaan booqday teendho ay islaan weyn ay ku jirto, isla markaana ay canjeero ku dubeysay, kaddibna  soo gal ayey tiri, markaan soo galay ayey tiri eeddo fadhiiso, aniga & 2 cunug ay Ayeeyo u aheyd, canjeeradii ay karineysay ayey aniga & ilmihi wada cuna igu tiri, aniga ilin ayaa iga timid, meel kasta oo aan tago dadka aan la kulmo arintan waan u sheegaa, waayo saameyn weyn ayay leedahay damiirka ayayna ku dhaqaajineysaa” ayuu yiri Safiirka.

” Dhacdo kale oo aanan illoobin ayaa ahayd aniga oo Buugaag & qalmaan  xerada Dhadhaab geeyey ayaa gabar 13 jir ah oo aan kula kulmay meeshaas waxey tiri (keligaa ayaa ku rabaa ee  gees aan istaagno, waxay i weydiisay adeer ilmo ma dhashay, gabdho da’deyda oo kale ah, adeer markaad laabato gabdhahaas waxa ay heli karaan weydii ee ay u baahan yihiin, markaas kaddib waxaan u sheegay ganacsatadii Soomaaliyeed ee Kenya, maalintaas wixii ka danbeeyay illaa hadda waxaa loo qoondeeyay in loo geeyo alaabta gabdhaha ay isticlaan” ayuu yiri Safiirka oo intaa raaciyay in kaalmadaasi ay wax badan kor ugu qaadday niyadda caruurtaasi.

“Boqortooyo ma ahan shaqada, waa howl dowladeed, waa la iska qaadi karaa laakiin waa in nidaam loo soo maraa” ayuu yiri Safiirka oo ka hadlayay warar maalmahan soo baxayay oo sheegayay in safiirka la badali doono.

Guud ahaan  xubnihii ka hadlay munaasabaddan ayaa cod dheer ku sheegay in aan la aqbali karin wararkaasi maalmahan soo baxayay, waxayna Dowladda KMG ugu baaqeen in fikirkaasi haddii uu jiro ay haboon tahay in laga laabto, iyagoo sheegay in dadka shacabka indhaha u ah ee wax u qabta lagula kicin falal aan habooneyn.

Ugu dambeyntii waxaa lagu soo bandhigay qorshe tabarucaad loogu sameynayo caruurta Agoonta ah, Dumarka iyo dadka waayeelka ah ee aan waxba qabsan karin, kaasoo dhaqaale loogu aruurinayo isla markaana guryo iyo goobo waxbarasho looga dhisayo gudaha dalka, waxaana loogu magac daray qorshahaasi H.E. Dr. Maxamed Cali Ameeriko Foundation 2012, waxaana madax looga dhigay Ambassador Ameeriko. sidoo kale waxaa goobta lagu guddoonsiiyay Danjiraha billad sharaf uu ku muteystay howl karnimadiisa.

Ali Muhiaddin Ali
[email protected]