Taagerayasha Farmaajo ee Holland oo guluf ugu jira soo dhoweyntiisa.

Xubno ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Delft iyo Den Haag ayaa wada qorshe ay ku soo dhoweynayaan Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladda KMG Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la filayo inuu soo gaaro magaalada Den Haag bilowga bisha Maarso.

Qorshahani oo ay wadaan xubno xiriir la leh Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidoo kale waxaa ay qorshahoodu uu yahay in ay isu keenaan jaaliyadaha Soomaaliyeed si ay warbixin ugu dhageystaan Farmaajo iyo xubno kale oo aad ula dhacsan qorshaha mustaqbalka Farmaajo.

Ra’isuul Wasaarihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dad badan ay u arkaan in uu yahay Ra’iisul Wasaarihii ugu waxqabad fiicnaa ee soo mara Dowladda KMG, sidoo kale waxaa lagu tilmaamaa in uu ka mid yahay dadka ugu taageerada badan ee xil ka soo qabta mudadii burburka dalka.

Dad badan ayaa aaminsan in Farmaajo uu olole ugu jiro sidii mar kale uu dib ugu soo noqon lahaa Masraxa siyaasadda, taasoo keentay in uu loobin xooggan ka bilaabo wadamada qurbaha gaar ahaan Yurub oo mudooyinkan danbe uu isaga iyo kooxo taageersan ay kusoo bandhigayeen waxqabadkiisa iyo hab maamulkiisii mudadii uu xilka hayay, hase ahaatee dad  kale ayaa aaminsan in Farmaajo xiligani siyaasadda uusan kusoo laaban karin maadaama sababihii uu isaga casilay xilkii  ay weli taagan yihiin.

Xafiiska Midnimo ee Yurub 

 

3 COMMENTS

  1. jamhad ali oo ah siyaasi soomaliyeed kuna sugan dalka kenya nairobi.
    ugu horeyn waa idin salaamay bahada warbaahinta iyo shaqaalaha wepset ka midnimo.

    intaaskadib waxaan rabaa inaan ka hadlo arimaha siyaasadeed ee hatan dalku maraayo.
    1 somaliya yaa u diidan nabada.
    2,cadaalad darrada somaliya ka tagan halkee ay ka mid.
    3,somaliya waxa lagga aaminsanyaha ma sax baa mise waa qalad.sida argagixso. al.qaacido.burcad badeednimo iyo dadka somaliyeed oo sidii la rabo loogu adeegto

  2. waxayilatahay farmajo talo kaagama baahna lakin waxaan filayaa, in gobol kugu waynyahay lakin ninkaan soomaalia kywayn farmajo goboalkiisa mataqaan waa muqdisho maahan meelha aad moodayso qabiil ooma baahna asgoon qabiil kaashan ayuu noqday ninka soomalia oogu sumcada bdan

  3. Farmaajow isku mashquuli inaad gobolka aad ka soo jeedo horumar gaarsiiso” ninkaad kabahaaga u dhiibanayso kabahiisa ayaa la fiiriyaa”

Comments are closed.