Shirkadda Qaran Expres Swedan oo qaab kale u shaqo bilowday

Shirkadda Qaran Expres Swedan oo qaab kale u shaqo bilowday kadib markii ay heshiis la gashay shirkadda Kaah

Shirkadda Xawaaladda Qaran Express Swedan ayaa qoraal ay soo saartay ku shaacisay in aysan istaagin howshii ay u heysay shacabka Soomaaliyeed, iyadoo cadeysay in heshiis wada shaqeyn ah la gashay Kaah Express.

Madaxa howlgalka Shirkadda Qaran Express Swedan Ibraahim Cumar ayaa sheegay in tallaabadani ay tahay mid shacabka Soomaaliyeed ay ugu daneynayaan isla markaana lacagaha ay macaamiishooda u dirayaan gaarsiin doonto shirkadda Kaah Express. Wuxuuna u balan qaaday in macaamiishooda ay heli doonaan adeeggii hore ee ay u hayaan.

Qoraalka kasoo baxay shirkadda Qaran ayaa lagu sheegay in sababta ay u istaagtay howshii ay hayeen ay tahay xafiiska Dubai oo gebi ahaanba joojiyay howshii lacag dirista, sidaasi darteedna aysan dhankooda howsha ka bilaabatay.

Tallaabadani ay Shirkadda Qaran Sweden  heshiiska cusub kula gashay shirkadda KAAH EXPRESS oo lacagaha ay Qaran dirto u gudbin doonta meelaha ay lacagaha u kala socoto, dani ugu jirtaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool guud ahaan dalka Swedan.

Ali Muhiaddin Ali

[email protected]