Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo xayiraad culus kusoo rogay mid ka mid ah ganacsatada ugu caansan Soomaaliya

War lagu daabacay boga inetnetka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in ganacsade Axmed Nuur Jimcaale oo ka mid ah ganacsatada ugu caansan Soomaaliya laga xayiray duulimaadka iyo hantidiisa u taalo bangiyada caalamka.

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan ay yeesheen 17 February 2012, waxay ku ansixiyeen qaraar tirsigiisu ahaa 751 (1992) iyo 1907 (2009) kaasi oo quseeya dalalka Soomaaliya iyo Eritrea gaar ahaan shaqsiyaadka lagu soo rogay cuna qabateynta, qaraarkaasina waxaa lagu kordhiyey ganacsade Axmed Nuur Jimcaale.

Mr Axmed Nuur Cali Jimcalae ayaa laga xayiray inuu u safro dibada sidoo kalana waxaa la xanibay hantidiisa u taalo bankiyada sida lagu qoray boga internetka ee Qaramada Midoobay.

Ali Ahmed Nur Jim’ale (Jim’ale) ayaa la sheegay inuu kasoo mid noqday hogaamiyaashi ugu sareeyey ee Maxkamadihi Islaamiga Soomaaliya, kuwaasi oo marki danbe ay kasoo dhax baxeen Al Shabaab oo bishi Abril sanadki 2010 Golaha Amaanka u aqoonsaday inuu yahay Al Qaacida.

Warbxiin ay soo saareen 18 July 2011 gudi qiimeeya cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea ayaa daabacay in   Axmed Nuur uu yahay ganacsade caan ah oo xiriir wanaagsan kala dhaxeeya Al Shabaab, iyada oo ay Al Shabab u fududeeyeen ka ganacsiga sokorta iyo dhuxusha.

Jim’ale waxaa la ogaaday inuu yahay ninka ugu sareeya raga maalqabeynka ah ee taageera Al Shabaab isla markaana ay iska raacsanyihiin dhanka fakarka, isaga oo si gaar ah u taageera wadaadka mintidka ah ee Hassan Dahir Aweys (“Aweys”), kaasi oo sidoo kale ku jira liiska Argagagixisada.

Sanadki 2007, Jim’ale wuxuu aas aasay shirkad xarunteedi tahay Djibouti oo loogu magac daray Investors Group. shirkadaasi sadafkeedu wuxuu ahaa sidi ay u dhiiri gelin laheyd dhaq dhaqaaqa xagjirnimada iyo in ay hub kasoo iibiso Eritrea si qal qal loogu geliyo Somaliland.

Waxa kale oo ay fududeysay hub aanan badneyn oo laga soo geliyey Eritrea lana soo dhax marsiiyey Djibouti kuwaasi oo la geliyey shan gobol oo ka tirsan Itoobiya, ilaa sanadki 2008 Jimcalae howshaasi wuu waday.

Bishi September 2010, Jim’ale wuxuu aas aasay adeega ZAAD, oo lacagaha la isaga xawilo mobilada gacan qaadka ah, waxa uu kula heshiiyey AL Shabaab in ay lacag ka sameeyaan gaar ahaan xawilaadaha iyadoo aanan la aqoonsan karin aqoonsiyada dadka isu dirayo.

Dhamaadki 2009, Jim’ale waxa uu xawaaladaha kasoo uruuriyey Zako taasi oo lagu caawiyey Al Shabaab.

Jim’ale sidoo kale waxa maamulaa Shirkada Isgaarsiinta ee Hormuud Hormuud Telecommunications oo loo aqoonsaday shirkada ugu caansan uguna dhaqaalaha badan xaga isgaarsiinta Somaaliya, waxaana ay fangareysaa Al Shabaab sida ay warbixintu sheegeyso.

Warbixinta kasoo baxday Golaha Amaanka ayaa sidoo kale sheegysa in Hormuud ay leeyihiin qaar badan oo madax ka ahaa shirkadi Al-Barakaat oo uu Jim’ale sheer weyn ku lahaa.

Warbixinta waxa kale oo ay leedahay Hormuud waxay dhaqaalo, hub iyo adeegyo kalaba siisaa Al Shabaab, iyadoo loogaga digay raga qunyar socodka Islaamiga ah in aysan qaadan adeega Hormuud waayo waxaa ka dhageysto Al shabaab.

Qoraalka kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa ayaa waxaa ku jira magacyada uu adeegsado ganacsadahaan oo kala ah.

Jim’ale, Ali Ahmed Nur
AKA: JIM’ALE, Ahmed Ali
AKA: JIM’ALE, Ahmad Nur Ali
AKA: JIM’ALE, Sheikh Ahmed
AKA: JIM’ALE, Ahmad Ali
AKA: JIM’ALE, Shaykh Ahmed Nur

Waxa kale oo lagu qoray waqtiga uu dhashay iyo magaalada uu ku dhashay, aqoonsigiisa iyo nambarka baasaboorada uu wato.

DOB: 1954
POB: Eilbur, Somalia
Nationality: Somalia
Alt. nationality: Djibouti
Passport: A0181988 (Somalia), exp. 23 January 2011
Location: Djibouti, Republic of Djibouti.

 

Warkan waxaan kasoo xiganay boga internetka ee Qaramada Midoobay ee hoos ku qoran:

http://www.un.org/News/Press/docs//2012/sc10545.doc.htm

1 COMMENT

Comments are closed.