Warbixin ku saabsan Safaaradda Soomaaliya ee Biljamka

Warbixin ku saabsan Safaaradda Soomaaliya ee Biljamka (Ka soo horjeedka xafiiska safiirka waxaa xoog ku deggan islaan Ruush ah)

Qofka caadiga ah hadduu xilligan isbarbar dhig ku sameeyo xaaladaha ay ku sugan yihiin dhismayaasha safaaradaha Soomaaliya & Itoobiya ay ku leeyihiin magaalada Brussel ee wadanka Biljamka, waxaa dhici karta in durba maskaxdiinu qallow ku soo tiraa, sidee suurtagal ku tahay in Itoobiya oo weligeed aheyd Qaran xor ah, oo weliba 21-kii sano ee ay Soomaaliya burbursaneyd ku naalooneysay kobac & horumar sida la isula barbar dhigi karo dal 21 sano dhiig bax ku jiray, xaaladeeduna ay u muuqato mid hadda un ka soo kabaneysa suuxdintii ay 21 sano ku jirtay, iyadoo dadka qaarkii fikirkaasi qabi karaan haddana waxaa la isweydiin karaa inta uu qofka bini’aadamka ahi isbedel ku sameyn karo saacado, maalmo, bilo, sanado mise isbedelka dhinaca horumarka loo sameynayo Soomaalidu waa ka indha-saaban tahay.

Ujeedada qoraalkani uu xambaarsan yahay

Ujeedada qoraalkani uu xambaarsan yahay waa farriin ku wajahan waxgaradka (nin ragey dardaaran u tahay doqon ha moogaado) Tan kale waxey tahay hoga-tusaaleyn ku socota safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya dalalka Biljamka & Talyaaniga & shaqsiyaadka la shaqeeya inaan u soo qadimo dulduleelada & qaladaadka ka muuqanaya mas’uuliyadda culus ee ay hayaan, waxaana xaqiiqo ah in qofka mas’uulka ah ee ummadda xil u haya uu dhaliil & ammaan labada uu yeelan karo.

Booqashadii kediska aheyd ee aan ku tegay dhismaha safaaradda Soomaalida ee Brussel

Anigu ujeeddada socdaalkeygu ma aheyn inaan safaarada u tegay arrimo shaqsiyan aan u baahnaa, waxeyse dantu ka fursan weysay inaan gudaha u galo dhismaha safaaradda oo aan soo indha-indheeyo sida xaaladu tahay, wuxuuna fikirkaasi yimid markii waddadii aan marayey oo aheyd halka ay degan yihiin safaaraddaha ugu badan ee ajnabiga, maadaama aan u socday Safaaradda Itoobiya oo aan kasooo qaadanayay fiisaha dal ku galka sidaasina waxaa nafdeyda ku waajibiyay inaan soo arko gudahana u galo safaaradda & sida ay isugu duba dhacsan tahay howl-maalmeedka safaaradda balse markii aan gudaha u galay waxaan la kulmay marxalad ka duwan marxaladii aan ku haminayey.

Sheekadii ina dhexmartay aniga & darawalka Safiirka oo lagu magacaabo Mahdi, kaasoo markii ugu horeysay nagu soo dhoweeyay iridka laga soo galo safaaradda ayaa waxay u dhacday sidan.

Aniga

: Ilaa goorma ayaad degan tihiin dhismahan (Anigoo dhismihii indhaha la sii raacaya, qabow darana dareemayo.?

Darawalkii

: Ma badna 3 bilood meelahaas.?

Aniga.

Dhismaha safaarada waxaa ka muuqda burbur xoogan, qolka xogheynta & barandada ma lahan wax kuleyliso ah (heater) xilligan oo ah xilli qaboobe qofkii safaarada dan ka soo gasho meel uu fadhiisto ma jirto, dhismaha oo 3 dabaq ah waxaad ka degan tihiin 2 qol oo ah kan safiirka & qolka ay fadhido gabadha xogheynta oo ah qol ciriiri ah, 3 qofoodna aysan geli karin. Dadka shaqada u imaanaya sow dhib kuma aha in aysan helin meel ay fadhiistaan.?

Darawalka

:Saaxiib waa xaaladda Soomaalida, albaabka ka soo horjeeda safiirka waxaa deggan naag Ruush ah oo waalan, qeybta korena waxaa degan Ajaaniib kale, dhismahana dayactir laguma sameyn waayo dad badan baa degan waxey u baahan tahay in dadkaasi marka hore laga saaro.?

Aniga

:Soomaaliya waxaa maanta ka jira dowlad beesha caalamku aqoonsan tahay sideey suurtagal ku tahay inaad weysaan inkaaniyadkii xaqa loogu lahaa dowladda wadankan in ay geliso safaaradda, waxaan u jeedaa in qolka safiirku ku jiro albaabkiisa qeybo ka mid ah baco ay ku dhegan yihiin, meeshan ma ahan meel safaarad lagu tilmaamo karo waa dhisme qofka soo galaa uu u fahmi karo in ay degan yihiin dadka aan haysan meel ay seexdaan (homeless), sideese dadkan u degan yihiin maa laga saaro?.

Darawalkii:

Dadkan waa dadkii horay u jabsaday Safaaradda, wax walibana hoos ayaa laga soo billaabaa, haddii caawinaad la waayo waa in Soomaali ahaan aan isku xilqaano oo intii ay awoodu ina gaarsiiso aan sameyno.

Aniga:

Waxaan hadda gudaha ku arkay dad badan oo loo sameeynayey warqadaha aqoonsiga & kuwa dhalashada, imisa ayaad ka qaadaan.?

Darawalka

: Warqada aqoonsiga 50 Euro ayaa laga qaadaa

Aniga

:50 Euro waa lacag badan marka loo eego qof loo sameynayo warqad A4 ah, halkeey ku baxdaa lacagtaas, mase jirtaa cadeyn rasiid ah oo aad dadka siisaan.?

Darawalka

: Taas safiirka weydii aniga shaqadaas teyda ma ahan

Intaas markaan dhameystay waxaa ii suuragashay inaan Safiirka gudaha kula kulmo, halkaasi oo uu nagu soo dhoweeyay, wuxuuna ii sheegay in ay halgamayaan isla markaana xooggiisa uu gelinayo sidii Soomaali u noqon laheyd dal nabdoon oo kala danbeyntii iyo sharcigii lumay loosoo celin lahaa, wuxuuna xiligaasi u muuqday ambassador Nuur Cadde inuu ku mashquulsanaa howllo Qaran.

Ujeedada socdaalkeyga oo aheyd inaan dal ku galka kasoo qaato Safaaradda Itoobiya ee Brusells ayaa usii gudubnay, waa markii labaad ee aan tago safaaraddaasi, raggii aan isla soconay ayaa waxaa isweydiinay dhismaha Safaaraddeena iyo tan Itoobiya ee aan fiisaha ka qaadanayay, adeegyada ka muuqda iyo dhismaheeda, qof walba wax uu ku jawaabo ayuu garan waayay, waxayse arintu ku soo biyo shubatay in dhacdadani ay dhaxalkeedu tahay burburka iyo nidaam la’aanta 21 sano ina heystay.

Ujeedadeydu ma ahan inaan dhaliilo safiirka ama shaqsiyaadkii aan la kulmay balse waxey tahay ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan dadka ku dhaqan wadamada Yurub in ay xog-ogaal u noqdaan xaaladda ay ku sugan tahay safaaradooda, ayna muhiim tahay in ay saxaan wixii ka qaldan, una gurmadaan sidii loo soo celin lahaa sumcadii ay safaaradeenu laheyd, waxaana u aqoonsanahay Nuur Cadde & shaqsiyaadka la shaqeeya in ay yihiin halgamayaal ay taariikhdu xusi doonto, una dhabar adeegay in ay ku shaqeeyaan marxalad adag oo runtii ay yar tahay qof u bareeri kara inuu ku shaqeeyo.

Ali Muhiaddin Ali
Utrecht, Nederland
[email protected]