Shirkad Xawalada Qaranxpress oo joojisay dhamaan howlihii xawaalada

Qoraal ku soo baxay website qaranexpress ayaa lagu cadeeyay in joojisay dhamaan howlihii xawaalada, qoraalka ayaa sidaan u qornaa.

 Wargelin dhamaan Saamiliyada, wakiilada iyo macaamiisha shirkada Qaran Express Shirkada Qaran Express waxeey cadeeynaysaa, kadib markii ey soo foodsaartay xaalad culus oo dhinaca dhaqaalaha ah, in ay awoodi wayday sii wadida adeegii ay bulshada u haysay, ( http://www.qaranexpress.com/), waxaana sidaas sheegay gudoomiya shirkada Cabdulaahi Xaashi Jimcaali.

Qaran Express oo kamid ahaa xawaaladaha ugu weyn somalida oo sanadihii lasoo dhaafay ugu mashquulka badan aya xiligaan soo wajahday xaalad aad u xun ayadoo sanadii lasoo dhaafay hoos dhac weyn ku imaaday.

Qoraalka oo ku saxiixay gudoomiyaha iyo sababa keenay xiritaanka  shirkada hoos ka aqriso.