Soomaalida Holland oo kaalinta koowaad ka gashay dadka ugu liida xagga waxbarashada iyo horumar la’aanta

Shir ay isugu yimaadeen Soomaalida degan wadanka Nederland oo looga hadlayay warbixin sanadeed ay soo saartay dowladda kana hadleysay horumarka iyo dib u dhaca dhinaca nolosha ee ay wadanka ka sameeyeen dadka qaxootiga ah ee u dhashay dalalka Ciraaq, Iiraan, Afghanistaan & Soomaaliya ayaa ka dhacay magaalada Amsterdam.

Shirkani oo ay kasoo qeybgaleen ururada Soomaalida ee ka dhisan Holland, waxaana soo qaban qaabiyay ururka SARAPO ee uu Guddoomiyaha ka yahay Maxamed Xasan Idiris.

warbixintan ay soo saartay Dowladda Nederland ayaa lagu sheegay in Soomaalidu ay tahay ummadda ugu liidata ee dhinacyadda waxbarashadda, shaqadda iyo isdhexgalka bulshadda, iyadoo si weyn ay ugu hadleysay dhinaca waxbarashada caruurta Soomaalida oo ay ku tilmaameen in 5% caruurta Soomaalida ee wax ka barta Dugsiyada Hoose iyo Dhexe ay u gudbaan Dugsiyada sare, halka 95% ay ka haraan waxbarashada.

Mahad Xaaji Siciid oo ka socday dallada FSAN oo ay ku mideysan yihiin in ka badan 50 Urur ayaa warbixin sanadeedkan dadkii kasoo qeybgalay u sharxay isagoo ku dheeraaday sababta ay ku timid, wuxuuna xusay in ay ugu wacan tahay Soomaalida oo noqday kuwo ku koobnaada lacagta Ceyrta ah ee ay bixiso Dowladda, halka dhinaca waxbarasho la’aanta uu ku eedeeyay waalidiinta Soomaaliyeed isku xernaan la’aanta iyo ka warqab la’aanta caruurtooda.

Cali Waare oo ka mid ah ururka SOMVOA ayaa sheegay in Soomaalida ay tahay ummad u nugul in wax kasta laga sheego, lana filan karo warbixintaas mid ka daran in laga soo qoro, wuxuuna sabab uga dhigay kala daadsanaanta Soomaalida dhexdeeda, isaga oo Soomaalida ugu baaqay in kala fikir duwanaanta meel la iska dhigo una midoobaan danaha caamka ah ee wada saameynaya.

Guddoomiyaha ururka SARAPO Max’ed Xassan Idiris oo kulankan soo qaban qaabiyay ayaa sheegay in arintani ay tahay mid raad madow ku reebeyso dhamaan dadka Soomaaliyeed, isagoo ka codsaday dhamaan ururada Soomaalida ee ka dhisan Nederland in ay u istaagaan sidii loo baraarujin lahaa Soomaalida.

Warbixin sanadeedkan ka hadleyso horumarka iyo dib u dhaca dadka qaxootiga ah ee ku nool Holland ayaa lagu sheegay in Soomaalida ay yihiin dad dhexdooda degdeg isula qabsada, si adagna u haysta dhaqanka iyo diinta ay aaminsan yihiin oo ay masaajidada tagaan, ayna tukadaan 5-ta waqti ee salaada, waxayna taasi tahay tillaabo (positive) ah halka isdhexgalka bulshada kale iyo horumarka dhinaca wax qabsiga ay kaalinta hoose kaga jiraan qiimeyntan.

Ugu danbeyntii dadkii kasoo qeybgalay kulankan ayaa waxay isku raaceen in hadii la isku tuubnaado lana ilaaliyo sumcada iyo sharafta sawirka xun ee la inaga heysto in uu noqon doono mid wanaagsan.

Dadka Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Holland iyo guud ahaan Yurub intooda badan waxaa lagu tiriyaa kuwo aan dhinaca horumarka ku wanaagsaneyn waxayna ku nool yihiin lacagta Ceyrta ah.
 
Wadanka Holland waxaa jiro ururo Soomaaliyeed oo kor u dhaafaya 50, kuwaasi oo bulshada ay madalaan dhexgelin, howlihii ay ku magacawnaayeena aysan qaban, iyadoo waxqabadkoodu uu noqday shirir iyo kulamo ay ka qeybgalaan, mana jirto hey’ad Soomaaliyeed oo maanta dadka Soomaalida Holland degan wax u qabatay hadey ahaan laheyd dhinac walbo.
 
Ali Muhiaddin Ali
Uthrecht, Nederland.
[email protected]
https://www.facebook.com/alimuhiadd