Saxafiyiin Booqday Weriye Xasan Jaceyl oo xaaladiisa caafimaad ay sii darsatay +Sawiro

Qaar kamid ah weriyayaasha Soomaaliyeed ee Nairobi oo ka xanuunsaday dhibaatada xanuun ee muddo ku siman 1 sano magaalada Nairobi ku haysatay weriye Xasan Maxamed Maxamuud (Xasan Jaceyl) ayaa maanta ku booqday isbitaalka COPTIC oo afartii asbuuc ee la soo uu yiilay , halkaa oo ay indhahooda ku soo arkeen xaalada uu ku sugan yahay saxbkood Xasan Jaceyl, waxayna ku baaqeen in caawinaad deg deg ah lala soo gaaro walaalkaas dhibban.

Wariyayaasha booqday Xasan Jaceyl oo ay kamid ahaayeen saxafiga rug cadaaga ah Cali Muuse Cabdi , Maxamed Gaarane Aadan oo ah xoghayaha tawbarada NUSOJ, Bile Abdullahi Cali, Heeb Abdi, Abdifitaax Cumar Xalane, Axmed Muuse Guurre Waqa, Maxamed Barre, Cabdifitaax Maxamed Cilmi, Cabdicasiis Ibraahim Cali, Axmed Xasan Qeyre iyo asxaab kale oo farabadan ayaa waxaa xaalada uu ku sugan weriye Xasan Jaceyl ay ku abuurtay anfariir, kaddibmarkii ay istibaalka qolka dylesiska ku booqdeen saxbkood.

Xasan Maxamed Maxamuud oo 45 jir ah, wariye ka tirsanaan jiray idaacada iyo Televisionka Horn Afrik iyadoo waliba si weyn loogu xasuusto doorkiisa abwaaneed ee dhinaca Fanka oo Xasan Jaceyl uga jiray kaalin wanaagsan ayaa waxa xiligaasi uu ku jiray koomo, isagoo aan kala garaynin xaalada uu hadda ku sugan yahay.

Weriye Xasan Jaceyl ayaa xaaladiisa ay ka sii dartay todobaadkii aynu soo dhaafnay kaddibmarkii xanuunka macaanka oo muddo uu la xanuunsanayay uu gaaray heer aad u sareya, iyadoo labadiisa kalyoodna ay shaqadii joojiyeen, halka lugta bidix oo ahayd lugtii u badbaaday markii sanadkii hore laga jaray lugta midigna ay aad u caabuqday, waxaana dhaqaatiirta ay haatan xooga saarayan sidii Xasan si kaalmaati ah looga shaqaysiin lahaa Kalyihiisa, iyadoo maalin walbana loo samaynayo waxa loo yaqaano (Dylesis).

Sanadkii tegay ayaa suxufiyiinta Soomaaliyeed oo uu horkacayay xoghayaha Tababarada NUSOJ, Maxamed Gaarane waxa ay deeq lacageed oo laga soo ururiyey suxufiyiinta SOomaaliyeed, gaareysana $7000 oo doolar. Waxaa kale oo sidoo kale deeq lacageed soo gaarsiyay guddiga u dooda xorriyada saxaafadda (CPJ) oo dhamaan lacagahaas ay ku baxeen qarashaadkii daawooyinka, qallinka iyo isbitaalkaba.

Dhaqatar George Muturi oo ah dhaqtar la tacaalaya xaalada Xasan ayaa nasiib wanaag baaritaan uu shalay ku sameeyay maskaxdiisa (CT BRAIN SCAN) waxa uu cadeeyay in maskaxda Xasan ay caafimaad qabto, isagoo sheegay in uu haatan ku dadaalayo sidii uu xasan uga soo saari lahaa xaaladan ada (Haddii uu Alle Idmo.

Weriye Maxamed Gaarane oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Xasan uu caawimaad uga baahanyahay walaalihiisa bahda saxaafadda, isagoona tilmaamay in loo baahanyahay in dhexda loo xirto sidii caafimaadkiisa wax looga qaban lahaa, iyadoo talada la saaranayo ALLAH.


Cali Muuse Cabdi oo ka tirsan wakaalada AFPda ayaa ka sheekeeyay xanuunka sababay in xasan ay kalyihiisa shaqeyn waayaan, waxaa uu sheegay in Xasan uu u baahanyahay gacan joogta ah oo uu ka helo umadda Soomaaliyeed iyo bahda saxaafadda iyadoon loo kala haraynin maadama uu yiri in mar walba uu u baahnaan doono in kalyihiisa lagu sameeyo (Dylesis)

Qoyska Xasan jaceyl ayaa ku amaanay taageerada joogtada ah iyo garab istaaga ay u muujiyeen Xasan walaalihiis bahda saxaafadda, waxaana ay soo dhaweeyeen lacag dhamayd 88, 191 shilling Kenya ah oo maalmo ka hor uu soo gaarsiiyay Maxamed Gaarane, taa oo katimid hay’add saxaafadeed oo lagu magacaabo Ururka Suxufiyiinta aan Xuduuda lahayn, ugu deeqday.

Booqashadan ayaa ku soo beegmaysa xili sanadkii hore gurmadkan taarikhiga ah oo noocan ah ay Xasan Jaceyl u fidiyeen saaxiibadiis weriyayaasha Nairobi, waxaana ugu dambayn weriyayaasha reer Nairobi ay cod mideysan ku ku muujinayaan in la soo taageero Xasan Maxamed Maxamuud (Xasan Jaceyl) oo wixii aad u awoodaan aad ugu soo diri kartaan *Axmed Mire Cali* oo Xasan Jaceyl ay qaraabo yihiin, haatana gacanta ku haya +254722207041 ama Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed isagaa idinku hagi doonee.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, [email protected]
[email protected]