Ku dhawaad 1,000 arday oo saakay loo qaadayo dalka Turkiga

Ku dhawaad 1,000 arday oo Soomaali ah ayaa haatan ku sugan garonka diyaaradaha caalamiga ah ee Magaalada Muqdisho kuwaasi oo la filayo in ay u duulaan dalka Turkiga.

Ardadaan oo ka kala yimid gobolada dalka Soomaaliya ayaa u galay imtixaan deeqdan waxbarasho oo ay ka heleen Turkiga, waxaana ka qaadeyso magaalada Muqdisho diyaarada Turkish Airways.

Qaar badan oo ka mid ah ardadadan oo iyaga oo ku sugan garoonka la hadlay idaacadaha Muqdisho ayaa muujiyey sida ay ugu faraxsanyihiin in ay u baxaan dalkooda si ay usoo kasbadaan waxbarasho dibna ugu soo laaban dalka.

Ardaydaan ayaa isugu jira qaar kasoo qalin jebiyey dugsiga hoose, qaar dugsi dhexe iyo arday kale oo iyana kusoo baran doona Turkiga xirfadaha kala duwan ee shaqada.

Ma jirin arday ka baxday dugsi sare ama jaamacad oo Turkiga ay siisay deeqo waxbarasho oo ah tacliinta sare.

Kaalmooyinka waxbarasho oo ay ugu tala gashay dowlada Turkiga ayaa waxaa si gaar ah u wada wasaarada Diinta iyo Awqaafta dalkaasi iyo wasaarada Hidaha iyo Tacliinta sare, iyaga oo kaashanaya wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowlada KMG Soomaaliya.

Sanadki hore Turki waxay ka qaaday Soomaaliya arday fara badan oo hada si habsami leh wax uga baranayo iskuulada kala duwan ee dalkaasi.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, [email protected]
[email protected]