Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay xeebaha Libya iyo 40 la,yahay

Wararka naga soo gaaraya dalka Libya ayaa sheegaya in ay dhinteen ugu yaraan 15 ruux oo Soomaali ah kadib marki dooni ay la socdeen 55 ruux ay ku qalibantay bada u dhaxeyso Libya iyo Talyaaniga.

Dadkaan oo dhamaantood ahaa Soomaali, waxay dooni yar ka raaceen xeebaha magaalada bari ee dalka Libya horanati bishaan, hase yeeshee waxa la la,aa tan iyo marki ay ka shiraacdeen Libya.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Libya, C/qani Maxamed Waceys ayaa sheegay in 15-ka dhimatay ay intooda badan yihiin dumar, waxa kale oo uu sheegay in hada la la,yahay 40 ruux oo ka mid ahaa dadki la socday doonta.

“55 beey ahaayeen, waxaa hada meydadkooda la hayaa 15 ruur, waxa hada ku maqan 40 ruux, waxay ka baxeen dadkaan bishan Janaayo ayey ka baxeen magaalada Tripoli,”  ayuu yiri.

Badda Meditarenian sea ee u dhaxeysa waqooyiga Africa iyo koonfurta Europe ayaa xiligaan aad u qaboow, sidaasi oo ay tahay ay Soomaalida iyo muhaajiriinta Africanka ah ku dhiiranayaan in ay usii maraan dalka Talyaaniga.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Libya ayaa uga digay dadka Soomaalida ah in aysan naftooda ku haligin doonyo yar yar iyo waqtigan qaboobaha biyaha bada dhexe.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, [email protected]
[email protected]