Shirkadaha Xawaaladaha Soomaalida Mareykanka oo si rasmi ah loo fasaxay

Dhamaan shirkadaha xawaaladaha dalka Mareykanka ee lacagaha usoo diri jiray Soomaaliya ayaa la fsaxay kadib maalmo ay xayirnaayeen.

Xawaaladahan oo aad u badnaa ayaa waxaa laga joojiyey 31-ki bishi hore in ay diraan lacagaha dadka Soomaali Mareykanka ee ku nool gobolka Minnesota ay usoo marsadaan qarashaadka ay usoo xawili jireen qoysaskooda ku nool dalka Soomaaliya.

Dadka Soomaalida ee ku nool Mareykanka ayaa intooda badan soo diri waayey lacagaha biilka ee ay u direen jireen qoysaskooda ku nool Africa gaar ahaan Soomaaliya marki dowlada Mareykanka ay ku amartay bankiyada ay dhex marin jireen shirkadahaha lacagahooda.

Saakay iyo xalay ayaa waxaa si weyn usoo camiray shirkadaha xawaaladaha boqolaal ruux oo doonaya in ay lacago usoo xawilaan Soomaaliya si qoysaskooda ay u caawiyaan.

Arintaan ayaa waxaa si weyn loogaga soo dhaweeyey Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka ay ku badantahay Soomaalida ee Minnesota.

Xafiiska Wararka Midnimo, [email protected]
[email protected]