Ciidamada bada ee dalka Britain oo qabtay 13 burcad badeed Soomaali ah

Howlgal ay iska kaashadeen ciidamada bada Ingiriiska iyo kuwa Mareykanka ayaa lagu soo qabtay ilaa iyo 13 burcad badeed ah meel ka baxsan xeebaha Soomaaliya.

Ciidamada Ingiriiska ee Mariineska ayaa marka hore u digay dooni ay ka buuxeen rag hubeysan oo lagu tuhmayo burcad badeed ka hor inta aysan ku weerarin helikobtaro oo ay saarnaayeen ciidamada shiish wanaaga.

Helikobtarta ayaa la sheegay in ay digniino dheeraad ah doonta ay la socdeen burcada hase yeeshee dhag jalaq wey u siin waayeen kadibna doonyaha dheereeya ayuu markabka ay la socdeen ciidamada ku daayeen bada kuwaasi oo hareereeyey.

Doonta ay wateen burcad badeeda ayaa waxaa laga helay hub iyo garneelada garbaha laga tuuro sida ay sheegayaan saraakiisha ciidanka NATO.

Xoghayaha difaaca dalka Britain Philip Hammond ayaa ku tilmaamay howlgalkaasi mid si cad u muujinaya awooda ay Britain u leedahay in ay uga hor tagto burcad badeeda Soomaaliya ee hanjabaada ku haya danaha Ingiriiska.

Dhanka kalana 15 badmaaxayaal u dhashay dalka Georgia ayaa ka baxay gacanta burcad badeed Soomaali ah oo qafaal u heystay in ka badan hal sano waxaana si diiran loogu soo dhaweeyey dalkooda.

Xafiiska Wararka Midnimo, [email protected]
[email protected]