Al Shabaab oo culimada Tabliiqa ugu baaqay in ay dagaalka garab ku siiyaan

Xarkada Al Shabaab ayaa ugu baaqday culimada tabliiqa in ay ku biiraan dagaalka ka socda Soomaaliya ee u dhaxeeya Al Shabaab iyo ciidamada dowlada oo kaashanaya kuwa AMISOM, Itoobiya iyo ciidanka Kenya.

Sheekh C/qadir Muumin oo ah saraakiisha ugu sareyso Al Shabaab oo ka hadlay duqeyn ay laba habeen ka hor ciidanka AMSOM u geysteen Masaajidka Tabliiqa ee Al Hidaaya ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aysan jirin cid ay dhaafayaan ciidamada AMISOM sidaasi daraadeedna loo baahanyahay in Tabliiqa ay ku biiraan dagaalka jihaadiga ah sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan ugu baaqeynaa dadka culimada ah dhamaanteed, weey arkaan in masaajidada la bur burinayana marka hadii aad dhahdaan anaga dagaal kuma jirno idin deynmayaan, masaajididi ayey burburinayaan marka waxaan idin kugu baaqayaa in jihaadka aad kusoo biirtaan, waxaay rabaan gaalada in masaajidada iyo dugsiyada bur buriyaan,” ayuu yiri Mr Muumin.

Laba ka mid ah culimada Tabliiqa ayaa ku dhintay madaafiic ku dhacday habeenki Sabtida masaajidka AL Hidaaya oo ay caanka ku yihiin Tabliiqa.

Taliyaha ciidamada AMISOM, G/sare Fred Mugisha ayaa sheegay in ay baarayaan dhacdadi masaajidka Al Hidaaya ee magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com