Dood cilmiyeed maanta Magaalada Muqdisho loogu qabtay boqolaal dhalinyaro ah + Sawiro

Hey’adda Wada hadalka bulshada ee CCD ayaa maanta magaalada Muqdisho ugu qabatay boqolaal dhalinyaro ah kulan dood cilmiyeed ahaa oo looga hadlayay sida dhalinyarada xilligan ugaga soo bixi karaan Al-Shabaab, si dalkooda ay dib ugu dhistaan.

Dood cilmiyeedkan oo ay ka qeyb galeen Culumaa’udiinka Ahlusuna Wal-jameeca ayaa looga hadlay xaalada dhalinyarada ee xilligan heysata, gaar ahaan in Al-Shabaab u adeegsanayaan dagaalada iyo qaraxyada, iyagoo fikrado shisheeye oo la soo minguuriyay lagu shubo.

Afhayeenka Golaha Sare Culumaa’udiinka Ahlusuna Sheekh C/qaadir Soomow oo ugu horeyn furay dood cilmiyeedka ayaa ku baaqay in Alle ka cabsiga la badiyo, Alle loo towbad keeno, isagoo sheegay in dhalinyarada lagu marin habaabinayo wax aan diin aheyn, laguna baneysto dhiiga qofka Muslimka ah.

Sheekh Soomow ayaa sheegay in Al-Shabaab ay Alle mar walba ka been abuurtaan, isla markaana dhalinyarada ku qaldayaan waxyaabo aanay diinta ku soo aroorin, oo ah in qofka is qarxiyo naftiisana uu gooyo.

“War xaguu Godane ka keenay in qof Muslim ah in la isku qarxiyo, qofkii is qarxiyana yiraahdo jano ayaa galeysa qof muslim soo dil, waa fasaad, jiilkan soo koraya ayuu halaag gelinaya, Jihaad markuu leeyahay xagee jihaad ka jiraa, been ka weyn ma jirto in Alle lagu been abuurto”ayuu yiri Sheekh Soomow.


Waxaa uu ugu baaqay dhalinyarada ku harsan Shabaab inay ka soo baxaan jidka qaldan ay ku socdaan, jid cade ay isugu yimaadaan, sida uu hadalka u dhigay.


Sheekh Xasan Axmed Siyaar oo isna ka mid ahaa culimadii ka hadashay dood cilmiyeedka ayaa sheegay in magaca diinta Islaamka la xumeeyay, isagoo soo qaatay in waxyaabo aanay shareecada qaban oo lagu dhaqmo, gaar ahaan gaaleysinta dadka, iyo in la gowraco qof muslim ah, dabadeedna Film laga duubo.

Sidoo kale waxaa dood cilmiyeedka ka hadlay Sheekh Cali Axmed Cusmaan (Sheekh Shuuko) ayaa sheegay in dhalinyarada safka Al-Shabaab ku jiraan ay ugu baaqayaan inay ka soo baxaan, si umadooda ugu soo biiraan, waxaana uu intaa raaciyay in dhalinyarada ay wax bartaan, si wax aan diinta aheyn loogu qaldin.

Culimadii ka hadashay dood cilmiyeedka ayaa waxaa ka mid ahaa Sheekh Muuse Cagaweyne oo ku dheeraaday fikirka Al-Shabaab ee dhalinyarada lagu marin habaabiyay uu ahaa mid muddo soo socday, waxaase uu sheegay in xilligan looga bixi karo in dhalinyarada la wacyi geliyo.

Sheekh Muuse Cagaweyne ayaa sheegay in Al-Shabaab ay sii kara firxanayaan, isla markaana bur burkooda dhow yahay, waxaana shacabka Soomaaliyed ugu baaqay inay midnimada ka shaqeeyaan.

Culimada kale ee ka hadashay dood cilmiyeedka ayaa waxaa ka mid ahaa Sheekh Maxamed Jaamac ayaa sheegay in sababaha Al-Shabaab u maciin bidaan beelaha soomaaliyed inay garab weydiistaan, bedelkii shalay ay gaalo ku tilmaamayeen, waxaana uu cadeeyay in Al-Shabaab beelaha oo dhan ay gaaleysiin, hadana ay tabartooda tusisay inay garab weydiistaan si ay u badbaadaan.

Intii uu socday dood cilmiyeedka ayaa waxaa khudbado dhinaca diinta oo lagu wacyi gelinayay dhalinyarada ka jeedinayay qaar ka mid ah Culimadii ka qeyb galay, iyadoo lagu guubaabinayay inay dalkooda dhistaan, kana soo baxaan dhalinyarada jidka qaldan ay ku socdaan, ee lagu marin habaabiyay.

Dood cilmiyeedkan ayaa qeyb ka ah kuwo qeybaha bulshada si is-daba joog ah Hey’adda wada hadalka bulshada ay u qabaneysaym gaar ahaan Haweenka, Odayaasha dhaqanka, dhalinyarada iyo Culumaa’udiinka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.