AMISOM oo marki ugu horeysay ka hadashay qilaafka baarlamaanka

Taliska ugu sareeya ciidamada nabad ilaalinta Midowga Africa ee Soomaaliya ayaa marki ugu horeysay ka hadlay qilaafka hareeyey baarlamaanka KMG Soomaaliya.

Maj. Gen. Fred Mugisha, oo maanta la hadlay warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa sheegay in AMISOM aysan dhinacna la jirin labada gudoomiye ee uu baarlamaanka kala qeybsaday kuwaasi oo midba uu isagu sheeganayo inuu yahay afhayeenka xaqa ah.

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah gudoomiyaha baarlamaanka ayaa xilka laga qaaday 13-ki bishi December, xildhibaanadi ka qaaday xilka oo gaarayey ku dhawaad 300 oo mudane ayaa todobaadki hore gudoomiyaha baarlamaanka u doortay Madoobe Nuunoow Maxamed.

Mr Mugisha ayaa sheegay in aysan faraha la galeyn qilaafka baarlamaanka balse ay u joogaan Soomaaliya sidi ay u ilaalin lahaayeen madaxda dowlada ugana shaqeyn lahaayeen nabadeynta dalka.


“Waxaa jira hada oo midba uu sheeganayo gudoomiye, Sharif Xasan iyo Madoobe Nuunow oo isna la doortay marka maxaanu ka dhihi karnaa baarlamaanka ayaa sidaasi noqdayey, anaga waxaan halkaan u joognaa sidi aan nabada wax uga tari laheyn oo aan u caawin laheyn Soomaalida, hadii aan ku guuleysano dalkeena ayaan dib ugu laaban doonaa,” ayuy yiri.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku jiro xaalad aad u xun waxaana hada uu leeyahay laba afhayeen oo mid kastaa isagu sheeganayo inuu yahay kan saxda ah, waxaana hadii xaalka uu sidaan ku sii socdo dhici karta in uu qal qal ku yimaado xaalada siyaasadeed ee dalka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.