Al Shabab oo ciidamada Jabuuti ku eedeeyey duqeynti Masaajidka Al Hidaaya

Ururka Al Shabaab ayaa ku eedeeyey ciidamada Jabuuti ee ku sugan magaalada Muqdisho in ay ka danbeeyaan duqeymihi habeen hore loo geystay masaajidka Al Hidaaya ee degmada Hurwaa.

Gudoomiyaha Al Shabaab ee gobolka Banaadir, Maxamed Xasan Cumar oo loo yaqaano Abu C/raxmaan ayaa sheegay in ciidanka Jabuuti ee ka mid ah kuwa AMISOM ay bilaabeen in ay beegsadaan dadka rayidka ah sida uu hadalka u dhigay.

Abu C/raxman ayaa ku eedeeyey in ay si gaar ah Jabuutiyaanka uga danbeeyeen duqeynti masaajidka Al Hudayaa ee ay sida gaarka ah u daganyihiin Culimada Tabliiqa halkaasi oo lagu dilay ilaa iyo laba ruux laguna dhaawacay afar kale.

“Shacabka reer Jabuuti waxaan rabaa in aan u sheego in ciidamadoodi ay bur buriyeen masaajidka Al Hidaaya, ciidanki Jabuuti ayaa wax ka duqeeyey oo dadkaasi gaalada ah ee dadkeena laynaya ay ka kid yihiin, dhibka noocaasi ah runti shacabka reer Jabuti waxaan rabaa in aan u sheego ciidamadoodii ayaa geystay,”


Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay ciidamada Jabuuti oo ay kaga jawaabayaan eedeymaha loo soo jeediyey.

Jabuuti ayaa ka mid ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee Soomaaliya, waxaana ka jooga Muqdisho 9,00 oo askari.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.