Wiil uu dhalay wasiirka arimaha gudaha Galmudug oo is dilay

Waxaa xalay magaalada Gaalkacyo isku dilay wiil uu dhalay wasiirka arrimaha gudaha maamulka Galmudug Abshir Diini Cawaale.

Wiilka oo ahaa dhalinyaro ayaa bistoolad madaxa isaga dhiftay kadib marki loo diiday in lagu celiyo dalka Canada oo awalki hore laga keenay si dhaqan celis loogu sameeyo.

Wasiirka arrimaha gudaha Galmudug Abshir Diini Cawaale oo dhalay wiilkaan ayaanan weli ka hadlin dhacdadaan, waxaana dad badan oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ay ku tilmaameen fal argagax leh.

Sida wararku ay sheegayaan waalidka wiilka is dilay ayaa u diiday in uu ku celiyo dalka Canada oo marki hore laga keenay kadin marki uu fahmi waayey jawiga Soomaaliya.

Dhacdadaan ayaa ah tii ugu horeysay oo ka dhacdo dalka Soomaaliya oo uu ku dhaqaaqo ilmo laga keenay dalka dibadiisa.



Sanooyinkaan danbe ayaa waalidiinta qurbaha ku nool caruurtooda ku soo celiyaan Soomaliya, Kenya iyo wadamada islaamka markii ay u taagwaayaan caruurtooda anshax xumida ay ku sameynayaan wadamada reer galbeedka ay ku nool yihiin, soocelinta caruurta ayaa ku saleysan si ay u bartaan diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaliyeed isagan dayaan dhaqanxumida ay ka barteen meelaha ay ku nool yihiim.

Ma aha markii ugu horeysan waalidiin caruurtooda ku soo celiyaan wadanka iyo wadamda kale ee diinta islaamka ka jirto.

Wixii warar soo kordho kala soco bogga.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.