Duqeymo xalay loo geystay masaajidka Al Hidayaa ee magaalada Muqdisho

3 ruux ayaa ku dhimatay qaar kalana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray kadib marki ay madaafiic ku dhaceen masaajidka Al Hidaaya degmada Hiliwaa ee magaalada Muqdisho.

Dadka ku dhintay duqeyntaasi ayaa dhamanatood ahaa wadaado ka tirsanaa culimada tabliiqa kuwaasi oo uu madfac ka mid ah madaafiic ay soo tuureen ciidamada Amisom uu ugu galay gudaha masjidka xilli ay cibaadeysanayeen.

Dadka dhaawaca ah ayaa loo qaaday isbitaalada magaalada Muqdisho, iyadoo sidoo kalana duqeymihi xalay ay ciidamada Amisom ku garaaceen degmada Hiliwaa ay dhibaato kasoo gaartay dad kale oo rayid.

Duqeymaha ayaa ka danbeeyey marki uu dagaal culusi ku dhexmaray ciidamada dowlada kuwa Amisom iyo Xarakada AL Shabaab qeybo ka mid ah degmooyinka Hiliwaa iyo Kaaraan.

Inta badan duqeymaha ka dhaca Muqdisho ayaa waxaa ay dhibaato kasoo gaartaa dadka rayidka ah oo ay horay u galaafato madaafiicda culus oo ay is weydaarsadaan dhinacyada dagaalama.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.