Kulan lagu taageerayo howl galada Ciidamada Dowladda ka wadaan Gobolada dalka oo maanta Muqdisho ka dhacay (Sawiro)

Kulan ballaaran oo lagu taageerayay howl galada Ciidamada Dowladda KMG ka wadaan Gobolada deriska ah, laguna soo dhoweynayay guulihii Ciidamada gaareen, la wareegitaanka Magaalada Beledweyn iyo deegaanada kale ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Halku dhiga kulankan oo ahaa Taageerida Howl galada ammaanka iyo dib u soo celinta xasiloonida Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Saraakiisha sar sare ee Ciidamada qalabka sida oo ka mid ahaa Abaanduulaha Ciidamada Xooga dalka Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhega-Badan), Taliyaha howl gelinta Ciidamada Xooga dalka Jen. Cali Caraaye Cosoble (Gacma-duule) Taliyaha Guutada koowaad Ciidamada xooga dalka Col. Maxamed Maxamuud Saney, saraakiil iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka.

Kulankan oo ay soo qaban qaabisay Hey’adda Wada hadalka Bulshada ayaa xubnihii ka qeyb galay ku ammaaneen dadaalka ay had iyo jeer bulshada la garab taagan tahay, gaar ahaan dhinacyada horumarinta, wacyi gelinta, iyo sidii nabada uga qeyb qaadan laheyd.

Xildhibaan Prof. Maxamed Cumar Dhalxa oo ugu horeyn furay kulankan ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan guulaha Ciidamada qalabka sida soo hoyeen, isagoo sheegay in Shacabka hadii aysan cadaalad helin aysan dhismi karin Dowladda, isla markaana Ciidan hadii aanay jirin aysan Dowlad jirin.

“Dowladda ma dhismi karto hadii aanay Ciidan heysan, heerkan la gaarsiiyay ciidankeenii qalab sida waa la socotaa inuu Caalamka baal dahab ah ka galay sanadkii 1977-dii, laakiinse maanta in Jeneraalka iyo Askariga isku mushaar ahaadaan waa wax siyaasad ka weyn”ayuu yiri Prof. Dhalxa oo intaa ku daray in Ciidamada qalabka sida markii ay bur bureen ay meesha ka baxday Dowladdnimadii.

Prof. Dhalxa ayaa sheegay in Ciidamada qalabka sida si ay u sii dhismaan awood buuxda ula soo baxaan loo baahan yahay in laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran, si ay u soo iibsadaan Diyaaradihii cirka lagu difaaci lahaa, maraakiibtii bada lagu difaacayay iyo dabaabaadkii xuduudaha iyo dalka oo dhan lagu difaaci lahaa.

Abaanduulaha Ciidamada Xooga dalka Jen. C/kariin Dhega-Badan ayaa ugu horeyn u mahad celiyay Hey’adda CCD iyo sida kulankan ay u soo qaban qaabisay, isagoo ugu bishaareeyay qeybaha bulshada ee kulanka ka qeyb galayay in sanadkan uu dalka oo dhan la xoreyn doona.

“Waxaan idinku bishaareynayaa hadaad tihiin bulshada Soomaaliyed, in sanadkan uu dalka oo dhan laga xoreynayo cadawga, wax badan ayaa nool yaal, waxaa la dhihi jira ciidanka sirtiisa waa la qariyaa, maanta aniga idin sheegaya, howl galada xamar kaliya ma ahan, Gobolada oo dhan ayay ku wajahan yihiin, aagaga waa kala qeybsan yihiin ilaa Kismaayo”ayuu yiri Jen. Dhega-Badan.

Jen. Dhega-Badan ayaa sheegay inay rajeynayaan in bisha April in dalka oo dhan ka xoroobo kooxaha jid iyo jaha-diidka, isagoo ugu baaqay Haweenka in Ciidamada ay biyaha ka daba wadaan, isla markaana Ragga ay ciidamada dhaawacma daweeyaan sida uu hadalka u dhigay.

“Ururada Bulshada waxaa laga doonayaa inay horay u sii socdaan, oo ma ahan in gadaal nagala yimaado, waa in ammaanka xaafad xaafad looga shaqeeyaa, in la ogaado dhaq dhaqaaqa degmooyinka, guri kasta, laan walba la isku xirnaado, nabadgelyada laga shaqeeyo, laakiin qofka bamka dhigaya ama wax qarxinaya hadii uu gurigaada xalay seexday, markii la qabtana ay dad badan isugu soo baxaan oo la yiraahdo dambi ma leh, yaa eedaas leh”ayuu yiri Jen. Dhega-Badan oo ugu baaqay bulshada inay garab taagnaadaa, isla markaana Ciidamada aanay guul soo hoyn karin hadii aysan bulshadu garab taagneyn.

Kulanka ayaa intii uu socday qeybaha bulshada ay ku soo bandhigeen suugaano, gabayo iyo shirib lagu guubaabinayay Ciidamada qalabka sida, si ay u sii wadaan howsha, dalkana ka nabadeeyaan kooxaha nabad diidka ah.

Drs. Caasha Cumar Geesdiir oo ah Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyed ayaa sheegtay in kaalinta haweenka ay tahay mid muhiim ah, iyadoo xustay in haweenka dhiig u keydiyaan ciidamada soo dhaawacma, in la iska kaashado sidii bulshada ay u garab taagnaan lahaayeen Ciidamada xooga dalka.

Afhayeenka Golaha sare Culumaa’udiinka Ahlusuna Wal-jameeca Sheekh C/qaadir Soomow oo isna ka hadlay kulanka ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyed ay guul u soo hoyatay, isagoo xusay in hadii Al-Shabaab awood ciidan lagu maquuniyay ay jiraan fikrado dadka ay ku shubeen, dhalinyaro badana ku marin habaabiyeen, kuwaaso uu tilmaamay in culimada ay dadaal geliyaan sidii looga wacyi gelin lahaa dhalinyarada la qalday.

Nabadoon Muxiyadiin Xasan Afrax Gudoomiyaha Dallada Ururada Bulshada rayidka ayaa sheegay in sanadkan ay bulshada ka rajeynayaan inay nabad iyo barwaaqo helaan, isla markaana Shabaab dalka oo dhan laga xoreeyo, isagoo cadeeyay in sanadkii hore uu ahaa sanadkii Shabaab hirtiyay.

Qeybaha bulshada sida Haweenka, Culumaa’udiinka, Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradkii ka qeyb galay kulankan ayaa soo dhoweeyay howl galada, iyagoo isku booriyay inay taageeraan Ciidamada xooga dalka Soomaaliya ee howl galka dib u xoreynta ka wada dalka.

Ugu dambeyn kulankan ayaa ku soo gaba gaboobay jawi wanaagsan, iyadoo uu ahaa kulankii u horeeyay ee lagu taageero howl galada ammaanka iyo dib u soo celinta xasilinta Soomaaliya oo dhowaan Xukuumada KMG ay ku dhawaaqday.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.