Kenya oo sheegtay in ay duqeysay Garbahaareey iyo xildhibaan Maxamuud Sayid Adan oo warkaas beeniyey

Milatariga Kenya ayaa sheegay in ay ku dileen dalka Somalia ilaa iyo 60 dagaalyahan oo ka tirsan Al Shabaab kadib duqeymo dhinaca cirka ah oo ay ka geysteen gobolka Gedo.

Afhayeen u hadlay dowlada Kenya oo lagu magacaabo Col Cyrus Oguna oo maanta wariyaasha kula hadlay magaalada Nairobi ayaa sheegay in hadafkoodu yahay sidi ay dhabarka uga jabin lahaayeen AL Shabaab.

Wuxuu sheegay in ay beegsadeen fariisin ay AL Shabaab ku lahaayeen magaalada Garbaharey halkaasi oo ay kaga dileen 60 dagaalyahan sidoo kalana kaga dhaawaceen 50 kale sida uu sheegay Oguna.

Laakin in Kenya ay duqeeyeen degmada Garbahaareey waxaa beeniyey xildhibaan Maxamuud Sayid Adan oo sheegay in ciidamada dowlada iyo kuwa Ahlu Sunna ay mar hore magaalada qabsadeen haatanna ku suganyihiin, sidaasi daraadeedna aysan maqlin wax duqeyn ah.

Maxamuud Sayid Aadan wuxuu sheegay in duqeynta ay ka dhacday meel duleedka ka ah magaalada Garbahaareey oo ay Al Shabaab ku sugnaayeen.
Dhanka kale duqeymo cusub ayey diyaaradaha dagaalka Kenya galabta ka geysteen gobolka Gedo.

Duqeymaha ayaa ka dhacay fariisimo ay Al Shabaab ku lahaayeen inta u dhaxeyso magaalada Garbahaareey iyo deegaanka Ceelcade oo lagu magacaabo Kaan Yareey sida ay sheegayaan wararka aanu halkaasi ka heleyno.

Ma cada qasaaraha ka dhashay duqeymahaasi, laakin warar aanan la hubin ayaa sheegaya inuu jiro qasaaro soo gaaray Al Shabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.