Hogaamiyaha Al Shabab: Qaraxyadi ka dhacay Geeska Africa laga soo bilaabao 1998-2011 Al Shabab lug weyn ayey ku laheyd

Amiirka Al Shabaab Sheekh Mukhtaar Abu Zubeyr ayaa sheegay in Al Shabaab ay wax ka ogeyd qarax kasto oo argagixiso oo ka dhacay Geeska Africa tan iyo sanadihi sagaashamaadki.

Wareysi marba qeyb laga soo daayo oo uu siiyey idaacada Al Andalus ee ku hadasho codka Al Shabaab ayuu Ubu Zubeyr ku sheegay in Shabaab ay door weyn ka ciyaareen dhamaan qaraxyadaasi oo uu ku tilmaamay kuwo lagu aafay cadawga sida uu hadalka u dhigay.

“Laga soo bilaabo qaraxi Dar E Salam ilaa iyo kii Mambasa iyo qaraxi lagu weeraray dalxiisayaashii Yahuuda wax badan ay Xarakadu ka ogeyd ilaa qaraxyadi ugu danbeeyey ee ka dhaca gobolka ee lagu aafeeyey gaalada,” ayuu yiri Abu Zubeyr.

Abu Zubeyr ayaa ka sheekeeyey doorki ay ciyaareen hogaamiyaashi Al Qaacidada Geeska Africa ee lagu dilay Soomaaliya kuwaasi oo sidoo kale Al Shabaabna majaraha u hayey.

Saalax Cali Nabhaan, Abu Dhalxa Al Suudaani, iyo Fasuul Cabdala Maxamed oo dhamaantood ahaa rag ka tirsanaa Al Qacida sidoo kalana ahaa hogaamiyaashii Al Shabaab.

Dhageyse Wareysi Abu Zubayr

[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2012/01/liqaa-abu-Zubayr-xalqada-5aad-sax-.mp3″]

Abu Dhalxa ayuu ku tilmaamay mid ka mid ah dadki soo saaraay dagaalyahanada Al Shabaab doorna ka ciyaaray dagaaladi Maxaakiimta Islaamiga ee Muqdisho, halka Saalax Nabhaan uu ku amaanay doorki uu ku lahaa dagaaladi ay Shabaab la galeen ciidamadi Itoobiya, halka Fasuulna uu ku sifeeyey nin u hayey xaga hogaanka ururka Al Shabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com