Ra’isulwasaaraha oo xiligaan wada hadalo kula leh qeybaha bulshada xarunta Jaamacada Beledweyn

Wafdigi Ra’isulwasaaraha oo la dajiyey xarunta Jaamacada Hiiraan University ee magaalada Beledweyne ayaa xiligaan kulamo kula leh halkaasi qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah.

Ra’isulwasaaraha oo diyaarad gaar ahi ka dajisay maanta magaalada Baladweyne ayaa waxaa sidoo kale uu qaabili doonaa isla maanta mas,uuliyiinta maamul isku magacaabay Dooxada Shabeelle iyo maamulka Ahlu Sunna oo labaduba wada sheegayana in ay madax ka yihiin magaalada.

Gudoomiyihi hore gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in amaanka ra’isulwasaaraha ay sugayaan ciidamada maamulka Dooxada Shabeelle oo uu sheegay in ay soo dhaweeyeen maanta.

Wuxuu sheegay in isaga uu yahay oday reer Hiiraan ah oo ay horay dowlada KMG ugy magacawday dugoomiyaha gobolka balse dib loogaga qaaday xilkaasi, haatana ay aqbali doonaan wixi kasoo baxo shirka uu ra’isulwasaaraha la leeyahay maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ra’isulwasaaraha ayaa la filayaa inuu kasoo laabto galabta socdaalka uu ku tagay magaalada Baladweyne.