WARBIXIN: Wasiiro, saxafiyiin, siyaasiyiin iyo xildhibaano oo dhamaadka todobaadkaan booqan doono magaalada Baladweyne

Wafdi heer sare ah oo uu hogaamin doono wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya isa markaana ay qeyb ka yihiin saxafiyiin ayaa lagu wadaa in dhamaadka todobaadkaan ay gaaraan magaalada Baladweyne.

Ilo wareedyo ku dhaw dhaw madaxtooyada ayaa u xaqiijiyey Midnimo.com in wafdiga ay ka koobnaan doonaan wasiiro, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo kasoo jeeda gobolka Hiiraan, saxafiyiin iyo siyaasiyiin.

Wafdigaan oo maalmo kooban joogi doono Baladweyne ayaa ujeedkiisu yahay sidii uu u dhiiri gelin lahaa ciidamada dowlada iyo kuwa Itoobiya ee absaday magaalada iyo sidi ay ugu fidi lahaayeen magaalooyinka kale.

Ahmiyada labaad ee wafdiga waxaa ka mid ah sidi ay u mideyn lahaayeen lamabada maamul ee hada wada sheeganaya magaalada Baladweyne in ay wax ka qabteen kuwaasi oo kala ah, Ahlu Sunna iyo maamul isku magacaabay Dooxada Shabeelle.

Labadoodaba waxay isu mariyeen warbaahinta eedeymo, waxaana sida ka muuqata uu midba rabaa inuu ku gor gortamo qabshada Baladweyne oo la ogyahay in ay ka danbeeyeen ciidamo Itoobiyaan ah.

Saxafiyiinta tagi doona Baladweyne ayey dowlad rabtaa inay ku muujiso sida ay uga go,antahay in mar danbe aysan ka bixin gacanteeda magaalada oo ah istaraatiiji isku xirta gobolada dalka iyo magaalooyinka bari ee dalka Itoobiya.

Waxaa kale oo la sheegayaa in marka ay tagaan wafdiga ay bilaabi doonaan dayactirka garoonka diyaaradaha Ugaas Qaliif oo ay dowladu rabto in uu dib u bilaabo howlihiisi duulimaadka si ay dib ugu soo laabtaan hey’adaha gargaarka.

Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya oo hogaamin doono wafdiga ayaa hada ku sugan magaalada Adis Ababa oo uu uga qeybgali doono shir uga furmayo maanta wasiirada gaashaadhiga dalalka IGAD.