Hogaamiyaha Shabaab oo qaraxyada ismiidaaminta ku tilmaamay mid ku banaan shareecada Islaamka

Hogaamiyaha ururka Al Shabaab Sheekh Mukhtaar Abu Zubeyr ayaa sheegay difaacay qaraxyada ismiidaamiska ah ee ay Al Shabaab ka geystaan dalka Soomaaliya.

Abu Zubeyr ayaa sheegay in is qarxinta ay tahay wax ku banaan diinta Islaamka, qofka is qarxinayana uu ku saxsanyahay hadii uu beegsanayo dad gaala ah, isaga oo intaasi ku daray in qofka uusan ALLE u qabsan doonin hadii qaraxaasi ay wax kasoo gaaraan dadka muslimiinta ah.

“Arinta calamiyaadka istishhaadiga waa camliyaad barakeysan raad badan waxay ku leedahay jihaadka maanta socda iyo dhamaan saaxafada jihaada caalamiga ah, waa wax aad uga muuqda dalalka Afganstan,Ciraq, Shiishaan iyo Soomaaliya, marka hadii aan milicsano xaga sharciyada waxaan u daliishan karnaa dhinaca shareeca Islaamka ijmaaca culimada oo baneeyey, kuwa culumaa,usii,a waxay leeyihiin ma banaana, marka waxaan dhihi karnaa waa albaabka koowaad ee jihaadka,” ayuu yiri Abu Zubeyr.

Hadalkaan uu ku difaacay is qarxinta ayaa laga yaabaa in uu sii dhiiri geliyo dhalinyarada ka tirsan Al Shabaab ee naftooda u gooyo is qarxin.

Sanadki lasoo dhaafay qaraxyo ismiidaamin ah oo ay Al Shabaab ka geysteen magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay boqolaal ruux, waxaana ugu xumaa qaraxi ka dhacay xarunta Hargaha iyo Saamaha ee magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.