Yaa ka danbeeyey in ciidamada Ethiopia ay dib ugu soo laabtaan Soomaaliya ?

Ciidamada Itoobiya ayaa 31-ki bishi Decmeber ee maalinti ugu danbeysay sanadki 2011 dib ugu laabtay dalka Soomaaliya oo ay sanadki 2006 sidaan oo kale uga dagaalameen kuna sugnaayeen mudo laba sana ah.

Sarkaal ka tirsan Midowga Africa oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay in dib ugu laabashada ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya uu ka danbeeyo urur goboleedka IGAD oo ka codsaday in ay ciidamo u dirto Soomaaliya.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in sidoo kale dowlada KMG Soomaaliya ay ka codsatay dowlada Itoobiya in ay ciidamadeeda usoo dirto si ay uga caawiso dagaaka ay kula jirto Al Shabaab.

Ciidadaasi Itoobiyaanka ah ee qabtay Beledweyn ayuu ku sheegay sarkaalkaan in ay dhan yihiin 3,000 oo askari, waxaa iyana sidaasi xaqiijiyey warbaahinta maxaliga ah.

Itoobiya waxay noqoneysaa dalki shanaad oo ka mid ah dowladaha gobolka oo ay hada ka joogaan ciidamo dalka Soomaaliya, waxaa uga horeeyey dalalka Burundi, Uganda, Kenya iyo Jabuuti.

IGAD ayaa ah urur ay ku mideysanyihiin dowladaha gobolka, waxaana ka mid ah dalalka ugu xooga badan saameyntana ku leh Sudan, Ethiopia, Djibouti, Uganda, Kenya, iyo Somalia.

Somalia waxaa hada jooga in ka badan 9,000 oo ciidamo nabad ilaalin ah oo ka socda Midowga Africa gaar ahaan dalalka Uganda iyo Burundi, halka Djibouti ay todobaadyo yar ka hor geysay boqolaal askari.

Kenya, oo xad la leh Soomaaliya ayaa u dirtay Soomaaliya bishi October ciidamo aanan tiradooda la cayimin kuwaasi oo dagaal ka wada dhinaca koonfureed ee dalka Soomaaliya, ciidamdaasi waxaa ay ku biireen kuwa Midowga Africa si dhaqaalo loogu helo.

Xafiiska Wararka Midnimo, [email protected]
[email protected]