Galmudug oo ku dhawaaqday in lasii daayey wasiirki la afduubay

Maamul goboleedka Galmudug ayaa sheegay in ay ku guulesyteen sii deynta wasiirki waxbarashada Burhan Warsame Cigaal oo ay maanta kooxo burcad badeed aj afduubeen.

Sii deynta Mr Burhaan waxaa ku dhawaaqay gudoomiye ku xigeenka gobolka Mudug ee maamulka Galmudug ninka lagu magacaabo Aweys Cali oo sheegay in sii deyntiisa ay ka danbeeyeen ciidamada amaanka oo soo furtay.

Mr Aweys ayaa sheegay in qaar ka mid ah ragi afduubka u geystay wasiirka ay gacanta ku dhigeen sharcigana horkeeni doonaan.

Burhan Warsame Cigaal ayaa saakay salaadi subax waxaa gurigiisa ka watay shan nin oo hubeysan oo burcad badeed ah, goor danbe oo galabta ah ayey gurigiisa keeneen halkaasi oo mar kale afduub ugu heysteen.

Wareysi uu siiyey galabta idaacada VOA ayuu ku sheegay in loo heysto wiil sideed jir ahaa oo ragaan burcada ah u afduubnaa oo uu damaanad ku siidaayey, waxaana hada ay ku sheegteen wasiirka lacag dhan boqol iyo lixdan kun oo doolar.

Dhageyso Wareysiga Burhaan Warsame Cigaal

[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2012/01/wareysiburhaan.mp3″]

Falkaan ayaa muujiyey mushkilada dhinaca amaan darida ah ee ka jirto magaalada Gaalkacyo qeybta ay maamusho Galmudug.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.