Ciidamada Itoobiya ee joogay Baladweyne oo xalay u kala ruqaansaday sadex jiho

Ciidamadi Itoobiyaan ah oo shalay subax soo gaaray magaalada Baladweyne ayaa la sheegay in ay xalay magaalada uga baxeen sadex jiho oo kala duwan, iyaga oo ku wajahaan deegaano hor leh oo ay joogaan Al Shabaab.

C/fataax Xasan Afrax oo sheegtay inuu yahay madaxweynaha maamul la magac baxay Dooxada Shabelle ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya iyo ciidamada kale ee Soomaalida ah ay u dhaqaaqeen deegaanka Maxaas, dhinaca gobolka Bay iyo qaar soo aaday dhanka gobolka Sh/dhexe.

“Dagaalka waa sadex waji, feeska koowaad waxa lagu qabtay Baladweyne, wajiga labaad waa in la qabtaa degmada Ceelbuur iyo deegaanada kale ee Galguduud ee ay joogaan kooxda Al Shababa,  sidoo kale gooblka Shabeelaha Dhexe iyo gobolada Bay iyo Bakool,” ayuu yiri sarkaarlaakn.

Shalayna ciidamo kale oo Itoobiyaan ah ayaa gaaray deegaanka Garasyaani oo u dhaw Halgan iyo Buula Barde halkaasi oo ay difaacyo ka xirteen Al Shabaab.

Ururka AL Shabaab ayaa isna geeyey dagaalyahano badan degmada Buula Barde si ay u wajahaan Itoobiyaanka, iyadoo gurmad badan uga baxay shalay gobolada ay maamulaan ee shabeelooyinka.

Xafiiska Wararka Midnimo, [email protected]
[email protected]