Cabsi dagaal oo laga dareemayo magaalada Buula Barde

Cabsi dagaal iyo dhaq dhaqaaqyo ayaa laga dareemayaa magaalada Buula Barde ee gobolka Hiiraan halkaasi oo ay kusii siqayaan ciidamada dowlada iyo kuwa Itoobiya.

Gurmad Shabaab oo xoog leh  ayaa shalay ka gudbay magaalada Jowhar ayaa saakay iyo xalay gaaray  magaalada kuwaasi oo xoojiyey maleeshiyaadki Al Shabab ee ku sugnaa Buula Barde.

Al Shabaab ayaa saakay ka baxay magaalada Buula Barde iyaga oo isugu tagay deegaanada Halgan iyo Garasyaani halkaas oo la sheegay in ay ka xirteen difaac adag.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Al Shabaab ay faarujiyeen labada koontarool ee laga soo galo degmada, sidoo kale inta badan dagaalyahanadi Al Shabaab ayaa u baxay dhinaca dagaalka.

Saraakiisha Al Shabaab ee hada ku sugan gobolka Hiiraan gaar ahaan degmada Buula Barde ayaa waxaa ka mid ah afahayeenka Sheekh Cali Maxamuud Raage.

Ciidamada Itoobiya ee xalay kasoo baxay Baladweyne oo sadex jiho isu kala qeybiyey iyaana iyaguna la sheegayaa in ay kusoo dhawaanayaan deegaanka Garasyaani, waxaana laga yaabaa in saacadaha soo  aadan ay isku dhacaan labada dhinac.

Wixii warar soo kordho kal soco bogga

Xafiiska Wararka Midnimo, [email protected]
[email protected]