Burcadbadeed qafaalatay wasiirki waxbarashada Galmudug

Kooxo burcad badeed ah ayaa maanta Koonfurta Gaalkacyo ka afduubtay wasiirki waxbarashada Galmudug xilli uu ku jiray xafiiskiisa.

Burhan Warsame Cigaal ayaa la sheegayaa in lagu kaxeystay gaari kuwa raaxada ah oo ay la socdeen rag aad u hubeysan, waxaana lala aaday deegaanada miyiga ee gobolka Mudug sida ay xaqiijiyeen dad goob joog ah.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo ay qadka telfoonka kula xiriirtay Midnimo.com ayaa sheegay in wasiirka lagu heysto damiin uu dhawaan kusoo daayey wiil arday ahaa oo ay qabsadeen burcad badeeda.

Saraakiisha amniga Galmudug ayaa sheegay in ay wadaan dadaalo ay ku doonayaan in ay kusoo furtaan, hase yeeshee ma ahan wax sahlan in burcad badeed hubeysan ay u babac dhigaan ciidamada maamulka Galmudug oo hada qilaaf ba,an uu ka dhaxeeyo.